“ Ina Kaahin Waxaan Leeyahay Dadkiina Xamar bay Tageen,Ciidamadiina Caare Ayay Isku Dhiibeene Meesha Banee “Ugaas Jamaal Food.

0
175

Hargaya(Baraarugnews)  Ugaas Jamaal Cabdiraxmaan Axmed Food oo ka mid ahaa Madaxdhaqameedka Somaliland ayaa Markale ka hadlay Dhaliilo dul Hoganaya Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed kaahin Axmed Oo ku Saabsan Fashilka ka Haysta Wasaaradiisa Ciidamo kala Duwan oo u Fakaday Dhanka Taliye Caare iyo Jabhadaha uu hogaamiyo,Qaar ka mid ah Shacabka Somaliland oo ka Degay magaalada Muqdisho kuwaasi oo Dalka Iskaga Baxay iyo Shirka Golaha Dhexe ee Kulmiye oo uu sheegay Ugaasku in Maxamed Kaahin Kula Shirayo Gurigiisa Qaar ka mid ah Xubnaha Golaha dhexe ee Qaatay Kaadhka Ka qayb galka Shirkaasi oo laguW ado in Maalmaha soo Socda uu ka Qabsoomo Magaalada Boorama ee Gobolka Awdal.

Ugaaska oo Arimahasi ka Hadlayaa waxaa uu hadalkiisa ku bilaabay.

“Ina Kaahinoow Shacabkii Somaliland Waxaa ay iska dhiibeen Muqdisho iyo Somaliya Halka Ciidamadiina ay Habeen iyo maalinba u Baxsanayaan Dhankaas iyo jabhada uu hogaamiyo Taliye Caare,,Waana Fashil Kaa Haysta Maamulka Wasaarada Arimaha Gudaha oo ah Meel aanad u Qalmin,Waxaa sidoo kale Fara Batay Xadhigii iyo Tacadigii loo Gaysanayo Madaxda Dhaqanka,Abwaanada Iyo Suxufiyiinta Waxaasoo dhana adiga ayaa ka danbeeya Oo Muuse Biixi Kuu Wakiishay Siduu Dadka Somaliland kuu Nacsiin Lahaa Maadaama aad Tahay Sideedaba Qori Ciideed “Ayuu Yidhi Ugaas Jamaal Food.

Dhinaca kale Waxaa uu Ugaas Jamaal Food Ka Jawaabay Dhalinyaro uu Sheegay inay Fariimo hanjabaad ah usoo Direen Kuwaasi oo ka socda Dhinaca Ina Kaahin isla Markaana Sheegay inay Dilayaan hadii uu Faraha Ka Qaadi Waayo Wasiirka iyo Dhaliilaha uu ujeediyo waxaana uu yidhi.

“ Dhalinyaradaas iisoo hanjabaysa Hal baan leeyahay oo Ah Ina Kaahin Malaha waad iska Maqasheene Bal horta waxaad Soo Waraysataan Aabayaashiin oo Xogtiisa iyo Taariikhdiisaba Soo Waydiiya Ileen Ha iska hadaaqinee Miyaanu Ahayd Ninkii Waalidkiin iyo Ragii Idin Dhalay Xabada Iyo rasaasta Ciidamadii Xoogii Dalkii la isku odhan jiray Somaliya Iskaga Dhigay ee Magaca iyo Sharafta uu Maanta leeyahay Gaadhsiiyay ileen Rag ayuu Sahaydee,Xiniinyuhu Maaha Kuwa Ina Kaahin ku Jira ee Waa Kuwii Uu Aabahay la garab Taagnaa Ilaa Maalintuu Dhimanayay “ Ayuu Yidhi Ugaas Jamaal Food.

Ugu Danbayn Ina Kaahin Waxaa uu Ugaas Jamaal Food ku dhaliilay inuu Waxba ka qaban Waayay Maxbuus Qurbajoog ah oo uu sheegay In Lagu Dhex dilay Xabsiga Wey nee Magaalada Burco Xili uu Ku Sifeeyey inuu Maxamed Kaahin Sii Kala Guro Beesha Reer Daahir Iyo Reer Yuusuf,Waxaana uu Farta Ku Fiiqay Sidoo kale inuu kadanbeeyey xadhigii Aqoonyahan Maxamed Baashe Xaaji Xasan Kadib markii aanu Gadaal ka Ogaanay Ayuu Yidhi Ugaasku.

“Ninka Ina Kaahin Daba Socdoow Mujaahid Abokor Cabdi Xaalays Ayaa Yidhi Maxamed Kaahin Ha Moodina Tol Iyo Nin Reerka ah ee Markaanu Dhinacaaga Rag Ka Muuqan Wuxuu Kugu Dilayaa Qarsoodi waayo Anagaa Garanayna Mujaahidiin uu Si Toos ah Iyo Si Dadbanba u Dilay si aanay Ugu soo Bixin Ragaasoo ahaa Marka la joogo SNM Qaar Ka Qiimo badan oo oo ka raganimo Iyo Xiniinyo roon”


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here