Hargeysa, (Baraarugnews.net)-Agaasimihii guud ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi maanta xilka ka qaaday ee Wasaaradda warfaafinta Somaliland Cali Caliyow ayaa ka hadlay sababta keentay xil ka qaadistiisa maanta ee madaxweyne muuse Biixi.
Sidaa wuxuu ku sheegay qoraal kooban oo uu barta uu ku leeyahay baraha bulshadu ku wada xidhiidho ee facebuugiisa uu leeyahay ayuu ku faafiyey qoraalkan kooban oo u dhignaa sidan:-“Yarkan bohogayslabe iyo kan sheeganaaya yaaney igu daalin. Waa iska caadi marna ilaahey ayaa qoray marna inaadeerkay baa I badelay. Ninkaad abtirsiinyo wadaagtaan oo xiqdi,iyo xumaan iyo ciil hadlaaya,”sidaa ayuu yidhi Agaasimihii guud ee Wasaarada warfaafinta somliland xilka laga qaaday ee beesha Warsangali Cali Caliyow.
Halkan hoose ka akhri ee facebuugiisa agaasimaha xilka laga qaaday oo dhamays tiran qoraalkiisa ee uu facebuugiisa soo dhigay oo uu kaga hadlay Cali Caliyow xilka qaadistiisii maanta.