Isku-duwana Caafimaadka Gobolka Saraar Oo Qayskiisii Ugu shaqaynaaya Dawooyinkii iyo gaadiidkii Wasaaradda Caafimaadka Somaliland

0
277

Hargeysa,(Baraarugnews.net)- Adeegyada caafimaadka somaliland waxay umuuqataa wax loogu talo galey iney ka faaideystaan qoysas iyo kooxo isku dana qaara leh, fadlan akhriso xogtan ay ila soo wadaagey shaqaalaha caafimaadka magaalada caynaba.

Dhawr bilood ka hor ayaa lamagacaabey isuduwaha caynaba mudadaas ka bacdi waxa gobalka ka bilaa mashaaric caafimadka haayado kala duwan kuwaas intooda badan ka hir galiyey koox caafimaadka miyiga iyo tuulooyinka wareega looguna talo galey iney ka shaqeyeeyaan baahiyaadka caafimaadka degaanadaasi dareemayaan iney ka shaqeyaan una adeegaan. Nasiib daro sidaas lagu wadey ma noqon lkn waxa ay noqdeen kooxo si gooniya looga faaideysto mashaaric halkaas hayadaha kala duwan ka wadeen kuwa si gooniya looga faaideysto.

Hadaan tusaale usoo qaato shaqaalaha Mid kamida kooxa wareega (Mobile team) gobalka Saraar laga hir galiyey, hal qof xirfadle caafimaadka ka soo qalin jabiyey ama bartey kuma jiro, sida oo kale kooxdaas waxa horjooge u ah qof bartey cilmiga computer (IT technician) hadaba suaashu waxey tahey shaqaalahaasi ma computer ayey ka shaqeynayaan mise adeeg caafimad ayey bixinayaan jawaabta idinka idiin daayey?. Waxa aanu lee nahey dumarka iyo caruurta ayaan lagu waxyeeleyn? Sida oo kale dhamaan shaqaalahaasi mobile team waa qoyskiisa abtirsin hose ay wadagaan isuduwaha? iyada shaqale badan volunteer ku shaqeeya jogaan xarumaha caafimadka mudo dheer ayuu dhawr fursadod oo soo baxey keensadey qoyskiisa hoose sida ay shaqaalaha caafimaadka ila soo wadaageen.

Sida oo kale Haayad qudha oo gobalka ka shaqeyn karta ma jirto ilaa ay gaadhiga ka kireystaan isuduwaha & qoyska isuduwaha caynaba, waxayna umuuqataa haayadaha adeegyada caafimaadka gobalka ka hawl gala dhuunta la iskaga marey, dan degaan ka waxa ka horeysey danta gaarka isuduwaha iyo inta ku xeeran, markaas uun bey degaanka ka hawl gali kartaa, halka hoose waxa idiinka muuqda laba gaadhi oo ay kala lee yihiin isuduwaha iyo walalkii kana kala shaqeeyan haayada adeegyada caafimaadka bixiya laguna qasbey iney kireystaan. Hadeerna waxa soo baxey gaadhi sadexaad oo degaanka laga kireysanayo isla gaadhiga isuduwaha ayaa lagu qaasbayaa haayadu iney qaadato isaga hore haayad kale ugu shaqeynayey wax yaabaha layaab ka leh dadka dadka degaanka iyo shaqaalaha caafimaadka kula soo wadagayaan waxa ka mida inuu isuduwaha gobalka saraar ku doodayo gaadhigeygu laba haayadoodba waa inuu ka shaqeeya hadii kale shaqo degaanka ka socon meyso?

Isuduwaha caynaba dhawr bilood ka hor ayuu magacaabey agaasimaha guud, iyada
Sida oo kale waa markii ugu horeysey ee taariikhda S.land A/guud wasarada Hormarinta caafimadka magacaabo #isuduwe_gobalka. Hore waxana isuduyasha umagacaabi jirey wasiirada wasarada hormarinta caafimadka S.land. #A/guud Dr_Hergeeye ayaa magacaabey #isuduwaha_gobalka_Saraar dhawr bilood ka hor isaga oo aan la garaneyn awooda halka uu ka keeney bilo ka bacdina wasiirka warqada laga soo saxeexey badalka, Sida oo kale isuduwiha hore gobalka ka saraar waxa lagu bedeley walaalkii, ka dib markii ay wada shaqeyn kari waayeen isuduwahii hore waana taarikhda S.land markii ugu horeysey oo arinkan kale dhaco wasarada caafimadka iyada oo la isku badelo laba shaqsi oo isku qoysa (walaal) waxa aanad modaa wasarada caafimadka S.land iney isku badeyshey golaha guurtida S.land oo kale iyada la kala dhaxlo.

Waxa intaas dheer haayada hospitalka caynaba qacanta ku heysey waxa la rajeynayaa iney gobalka ka baxdo bisha march 2020 ka bacadi markey wasarada hormarinta caafimaadka somaliland la shaqeyn kari weydey , mudada madaxweyne muuse biixi abdi xilka hayey, dhawr sano ka hor wakhtiga Ex Madaxweyne Ahmed Silaanyo ayaa haayada qacanta loo galiyey laguna wareejiyey haayada hospitalka caynaba, hadeer waxay u muuqataa dadaalka xukuumada Ahmed Silaanyo ka muujisey hospitalka caynaba dib loo burburinayo mudo aan fogeyna maqli doono hospitalka oo xidhmey hadey sidan wax ku sii socdan.

Sawirada gaadiidka waa Sadex gaadhi haayadaha gobalka lagu dhiibey midwalbana lala hoos cararo

Investigator Somali healthcare Activist (ISHA)
Nouman M Muse

 


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here