Jaaliyada Ku Dhaqan Dalka Ingiriiska Ee Ka Soo Jeedda Goboladda Bariga Somaliland Oo Ku Dhawaaqay Shir Lagaga Hadlayo Qaabkii Loo Badbaadin Lahaa In Burburto Nabadgelyada Iyo In Dagaalo Sukeeye Mar kale ka dhacaan Gudaha SOmaliland

0
228
Office Hargeysa Caarshe7@hotmail.com Ama Emial: Baraarush00@gmail.com

London,(Baraarugnews.net)-Jaaliyada ka soo jeeda Gobolka Togdheer iyo Gobolada kale ee bariga Somaliland ee ku dhaqan waddanka Ingiriiska, ayaa abaabulaaya qaban qaabo isugu imanayaa shir ay doonayaan inay ku qabtaan magaalada Birmingham, isla markaana jaaliyadaha kala duwan ee ku nool cariga dalalka Yurub ayaa mudooyinkii u dambeeyay ku hawlan arrimo siyaasadeed iyo wada tashiyo ay kaga arrinsanayaan, sidii looga badbaadin lahaa dagaale sukeeye iyo in ay burburto nabadgelyada dalka Somaliland, lagana badbaadiyo Muuse Biixi Cabdi jiritaanka nabadgelyada iyo dawladda Somaliland ay ku burburin gacantiisa, madaama laga cabsi qabo hab-dhaqankiisa hogaamiyeed iyo ficilada uu ku kacayo, taasoo  cabsi weyn iyo wel-wel ku abuurtay lagana cabsi qabo in dagaalo ka dhacaan dalka ayaa ku abuurtay guud ahaan gude iyo dibad-ba shacabka Somaliland cabsi weyn oo dhanka doorashooyinka la doonayo innuu maamulka Muuse Biixi ka qabto dalka.

“Ogaysiis Muhiima ku socda Jaaliyada Gobolka Togdheer iyo Gobolada Bariga Somaliland degan ingiriiska. Waxaa lagu wargaliinaya dhamaan Jaaliyada Togdheer Dalka Ingiiriska degan iyo Gobolada Bariga Somaliland iyo cidi kale reer togdheer iyo Gobolada Bariga Somaliland iman karta in Magaalada Birmingham uu ka dhiici Doono shir markay taariikdu tahay 26/10/2019 maalinta Sabtida sacada 6 Maqriibnino ilaa 9 Habeenino insha alla

Waxa kulankan ku sabsan yahay in wax layska waydiiyo Madarka Magaalada Burco iyo Wadada isku xidha Burco Oodweyne Hargeysa.

Waxad la soo xidhiidhi karta telifoonadan 07378816149 ama 07404560547

Fiiro Gaara” lacag lagu uruurinaya ama laysku waydiinaya ma jirto Madaxweynaha iyo Wasirkisa Gadiidka balan qaday in la dhiisayo balse waxba layska waydiinaya iyo warbixino cusub lays waydarsanaayo.

Fadlan ka soo qaybgalkagaagu waa mihim

Ciwaanka waka hoos ku qoran

Dream Chaser Youth Club
Green Lane Road
Small Heath.Birmingham
B9 5BU.” Qoraal ay ku baahiyeen qaar ka mid ah Jaaliyada Goboladda bariga Somaliland baraha bulshada ku wada xidhiidho ee Facebuuga oo nuqul ka mid ah shabakada Baraarugnews.net ka soo xigatay ayaa u dhigaa sidaa.

Office Hargeysa Caarshe7@hotmail.com Ama Emial: Baraarush00@gmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here