“Jaaliyada Sweden Ee Beeshiisa Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cirro ayaa dhawr jeer maleegay waxyeelo ku wiiqayeen dawlada Somaliland, una shaqaynayey cadowgeena dawladda Soomaaliya Farmaaj.  Geed dheer iyo…”

0
768

Stockholm,(Baraarugnews.net)- Wakiilka  xukuumadda Muuse Biixi Cabdi (Dawladda Somaliland),u fadhiya  dalka Iswiidhan ee magaaladda Stockholm Sekeriye Xasan Wacays, ayaa qaar ka mid ah jaaliyada dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Somaliland inay fashiliyeen dhawr isku day oo lagu waxyeelaynayey Siyaasadda arimaha dibadda Somaliland, isla markaana safiirka u qaabilsan xafiis dawladda Muuse Biixi u fadhiya caasimada Sweden wax uu ugu yeedhay cadow doonayay inuu ku dibin-daabyeeyo dawladda Somaliland  la doonayay in lagu waxyeeleeyo Somaliland.

Danjire Sekeriye Xasan Wacays, ayaa ka difaacay dhaliilo xisbiga mucaaridka Somaliland ee u jeediyeen siyaasadda arrimaha dibadda xukuumadda Muuse Biixi Cabdi ee wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire ka difaacay dhaliilaha iyo fashilaada ku dhacday Wasaaradda arimaha dibada iyo siyaasadii xidhiidhka arimaha dibadda Somaliland la laheyd waddamada reer Galbeedka iyo waddamada geeska afrika. “Waxaan aaminsanahay shaqadda ay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland qabatay, weliba gaar ahaan xafiiska Sweden uu qabtay inay ahayd shaqo aan ka dhicin waxyaabihii la qabtay shantii sanadood ee u danbeeyay.

Wasaaradda arrimaha dibadda ama wakiiladda xafiisyadda dibadu, maadaama shaqadda aanu haynaa ay tahay sirtii qaranka, maadaama ay tahay xidhiidhkii aan la lahayn aduunyadda, waxaa dhacda in aanaan inta badan saxaafadda ka hadal, oo aanaan odhan waxaas ayaa dhacaya. Sababta oo ah, marka sirtaadda iyo warkaaga la hello cadowgaaguna wuu kaa faa’iidaysanayaa. Muuse Biixi ma fashilmin ee waa dacaayadii Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro”.Sidaa ayuu yidhi safiirka xukuumadda Muuse Biixi u fadhiya Iswiidhan.

Safiirku wuxuu intaa ku daray oo uu yidhi,“Safaaradda Somalilnd ee Sweden cadow badan iyo xadhko xumaan ah oo loo xidhayay Somaliland ayay wax ka qabatay, waanan ka guulaysanay cid kasta oo is lahayd dhibaatee ama lugta qabo horumarka  Muuse Biixi xukuumaddiisa, ayna ka dambeeyeen xisbiga waddani ee wali la muraar-dilaacsan doorashadii lagaga guulaystay, markaa qaar taageersan Guddoomiyaha xisbiga fashilmay ee Waddani Cirro oo beeshiisa ah ayaa dhawr jeer maleegay waxyeelo ay ku wiiqayeen dawlada Somaliland, una shaqaynayey cadowgeena oo ka mid ah Jaaliyada Iswiidhan ee ku abtirsada beesha xisbiga Waddani. Runtii, waxaa ugu dambaysay arrimo ay u soo adeegsatay dawladda Soomaaliya Farmaajo, oo la moodayay in fikirkeedii siyaasadeed ee ay dalkeedda iyo dadkeedda ku maamuli lahayd, inay ku soo ururisay, sidii ay lugta u qaban lahayd dawladdnimadda iyo qaranimadd jamhuuriyadd Somaliland.dawladda Soomaaliya, waxay geed dheer iyo mid gaaban-ba u fuuleen sidii ay Somaliland u waxyeelayn lahaayeen, oo ay xataa isku deyeen in ay Somaliland ka cuno-qabateeyaan dhaqaalaha dawladaha qaadhan bixiyeyaashu u soo mariyaan.”ayuu yidhi ayuu yidhi wakiilka Somaliland ee Sweden Sakariye oo warbaahinta Iswiidhan waramay, oo qoraal ahaan warkiisa loogu soo diray Iimeelka Xafiiska Wararka ee Wakaalada Baraarugnews.net

Baraarugnews.net Iimeel:- Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here