Jabhad Hubaysan Oo Caawa Weerar Ku Qaaday  Wasiiradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada Iyo Ciyaaraha  Somaliland Hinda Gaani Iyo Boos &Dagaal Xoogan Oo Dhex-maray Ciidanka Somaliland Iyo Jabhada Uu HogaamiyoTaliye Caare Iyo Muuse Biixi Oo Dib Ugu Soo Noqday Magaalada Burco

0
691
Jabhad Hubaysan Oo Caawa Weerar Ku Qaaday  Wasiiradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada Iyo Ciyaaraha  Somaliland Hinda Gaani Iyo Boos &Dagaal Xoogan Oo Dhex-maray Ciidanka Somaliland Iyo Jabhada Uu HogaamiyoTaliye Caare Iyo Muuse Biixi Oo Dib Ugu Soo Noqday Magaalada Burco
Jabhad Hubaysan Oo Caawa Weerar Ku Qaaday  Wasiiradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada Iyo Ciyaaraha  Somaliland Hinda Gaani Iyo Boos &Dagaal Xoogan Oo Dhex-maray Ciidanka Somaliland Iyo Jabhada Uu HogaamiyoTaliye Caare Iyo Muuse Biixi Oo Dib Ugu Soo Noqday Magaalada Burco

Ceel-afweyn,(Baraarugnews.net)-Jabhada uu hogaamiyo Taliyaha ka goostay ciidanka Militariga Somaliland Taliye Caare, ayaa caawa xilli ay saacadu maraysay tobankii habeenimo weerar gaadmo ah ku soo qaaday xerro fadhiisan u aheyd Ciidanka militariga Somaliland  oo ku taala duleedka magaalada Ceel-Afweyn ee Gobolka Sanaag, isla markaana wararka ka imanaaya magaalada Ceel-afweyn ayaa sheegay in Jabhada uu hogaamiyo Taliye Caare weerar ku qaaday laba goobood oo kala ah xero ciidan iyo guriga martida ee ku yaala magaalada Ceel-Afweyn.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Jabhada Taliye Caare iyo ciidan ka tirsan militariga Somaliland oo ku sugnaa Xerada iyo guriga martida ay is dhaafsadeen rasaas iyo hubka la saaro gaadiidka la isu-adeegsaday, isla markaana waxa la sheegay in goobtaa ku dagaalamayeen muddo ku dhaw saacad badhkeed hub aad u culusna la isu-adeegsaday labada dhinac ee ciidanka Somaliland iyo Jabhada uu hogaamiyo Taliye Caare oo hore uga tirsanaa saraakiisha militariga Somaliland ee ku sugan deegaanka Ceel-afweyn.

Dad ku sugnaa agagaarka dagaalku ka dhacay, kana gaabsaday in la sheego magacooda, ayaa sheegay in Jabhada Taliye Caare oo iyadu soo qaaday weerarka xili habeenimo ah ay ka naxsadeen ciidanka markii hore, isla markaana waxa la sheegay in guriga martida ee magaalada Ceel-afweyn ay ku sugnaayeen Wasiirka Wasaaradda ciyaaraha, Wasiirka Wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland Boose Mire iyo Hinda Jaamac Gaani iyo xubno kale oo ka tirsan xukuumadda Muuse Biixi Cabdi oo dirqi iyo faracididood kaga badbaaday Jabhada Caare oo qaban gaadhay wasiiradda,gurigii ay ku jireen rasaas badan ayaa ku dhacday, kuwaasoo gogal xaadh u ahaa iyo siddii ay u sii abaabulilahayeen bulshada Ceel-afweyn inay soo dhaweeyaan Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo raxan Wasiiraddii xukuumaddiisa oo daba guuraaya, iyagoo Madaxweynaha iyo wefti uu hogaaminayo socdaal ku marayaan Gobolada Bariga Somaliland, gaar ahaan deegaanada Sanaag, halka wuu Caawa u hoyday ee ku sugan yahayna ay tahay magaalo madaxda Gobolka Togdheer ee Burco.

Ma jiro wax khasaare ah oo ilaa hada ka soo baxay labada dhinac ee Jabhada taliye Caare iyo Ciidanka Somaliland. Wasiiradda xukuumadda Muuse Biixi iyo masuuliyiinta Gobolka Sanaag oo iyaguna qayb ka ah qaban-qaabada soo dhawaynta Madaxweynaha, ayaa la sheegay inay caawa ka kala firdhadeen Ceel-afweyn oo cagaha wax ka dayeen markii dirqi kaga badbaadeen rasaas ay ku fureen guriga martida ay deganaayeen ee Ceel-afweyn. Isla markaana xaalada deegaanada Sanaag ayaa isu-badeshay intii uu xilka la wareegay Muuse Biixi Cabdi meel hoy u noqota colaad iyo amni-daro.

Warar wixii ka soo kordha halkan kala soco weerarka Ceel-afweyn

EMIAL:-Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here