Jabhado Ciidan Beeleedyo Isku Urursaday Gobolka Sanaag Ee Bariga Somaliland &Gacan-saarka Ay La Leeyihiin Badhasaabka Iyo Maayarka ceerigaabo Iyo Fashilaada Dawladda Muuse biixi Iyo Khatarta

0
2242

Muqdisho,(Baraarugnews.net)-Colaada ka dhex-aloosan labada beelood ee walaalaha ah ee ku dhaqan deegaanka Ceel-afweyn, ayaa waxa ku hoos qarsoon arrimo waa weyn oo xukuumadda Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ka qarinayso inay sicad oo run ah ugu soo bandhigto ama daacad ka noqoto dhex-dhexaadinta iyo nabadaynta labada beelood iyo soo afjarida dagaalka soo noqnoday ee ku dhex-maray maleeshiyo beeleedyada deegaanka Ceel-afweyn oo ka tirsan Gobolka Sanaag ee bariga Somaliland.

Qaar ka mid ah bulshada ku dhaqan deegaanada ku teedsan ee hoos-taga Gobolka Sanaag, ayaa xaqiijiyey in  deegaanada  dirirtu ku dhex-martay labada beelood ee Ceel-af iyo dhulka kala duwan ee ka tirsan Gobolka Sanaag, in Xaalada dhabta ah iyo colaada ka taagan xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ka indho qarsanayso oo masuuliyad daacad ah ka aheyn, kuwaasoo sheegay in Gobolka Sanaag laga abaabulay oo ka jiraan maleeshiyaad ciidamo beeleedyo ka soo jeeda beelaha ku dagaalamay Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag. Warku wuxuu intaa ku darayaa in Jabhad  gashan  dirayska tuutaha ciidanka hogaamiyo sarkaal hore uga goostay ciidanka qaranka Somaliland ee ku sugan ceel-afweyn, hogaaminayo ka jirto Sanaag, sababna u aheyd  goosashada Taliye  Mahad Caare markii uu ka soo horjeestay Saraakiil kale oo diiday inay ciidamada qaranku kala dhex-galaan labada beelood oo wakhtigaa dagaal ku dhexmarayey deegaanka Degmada Ceel-afweyn khilaaf ka dhashay keentay innuu goosto Taliyaha Caare.

Idiris Maxamuud Ismaaciil oo ku sugan deegaanada ku dagaalameen labada beelood ee Darar-weyne oo ka tirsan Degmada Ceel-afweyn, oo khadka Telifoonka ugu waramayey Wariyaha uga soo warama Wakaalada Baraarugnews.net Xafiiskeeda Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo, ayaa sheegay in xaalad wel-wel iyo sansaan colaadeed ka taagan tahay Gobolka Sanaag, waxaanu yidhi.”Jabhad uu hogaamiyo General Mahad Caarre oo ka mid ah saraakiisha Ciidanka  qaranka Somaliland ayaa ka jirta Gobolka Sanaag, waxaanay ku sugan yihiin jabhadani Goof iyo Bohol. Tiradda raga halkaa isku urursaday oo ka soo jeeda beel ka mid ah beelaha ku dagaalay Ceel-afweyn gaar ahaan Beesha Sacad Yoonis oo ka mid ah beelaha Habaryoonis ee  Gobolka Sanaag markaan qiyaasay tirro ahaan waxay gadhayaan tiro badan oo maleeshiyaad beeleedyo isamaysan Jabhadaha sidooda oo kale Tikniko kurka ka jaray.. Waxay wataan gaadiid tikniko ah oo madaxa laga jaray qoryana saran yihiin.”

Idiris Maxamuud wuxuu intaa ku sii saray oo uu yidhi, “Shalay wuxuu dagaal ku dhex-maray  maleeshiyaadka Caare hogaamiyo iyo maleeshiyaad ciidan beeleed kale oo ka soo jeeda beesha kale ee aan aheyn Beesha Sacad Yoonis dagaal socday laba saac, isagoo bilaamay tobankii subaxnimo ee shalay dhamaadayna xilli saacadu ku dhawdahay laba iyo tobankii. Khasaaraha inta la keenay  cisbitaalka Ceerigaabo ee la xaqiijiyey waa hal qof . Markii dambe waxa soo gaadhay ciidanka qaranka oo kala dhex-galay, lana wareegay deegaanka ay ku dagaalameen. Ilaa shalay iyo maanta waxay isku horfadhiyaan labada  ciidan beeleedka ka soo jeeda labada beelood agagaarka Dalya oo ciidanka ayaa kala dhex-jooga hadda. “

Dhinaca kale, isaguna mid ka mid ah dadka ku nool deegaanka colaada labada beelood ka aloosan tahay ee  Gobolka Sanaag, oo aan aheyn beelaha ku dagaalay deegaanka Ceel-afweyn oo magaciisa ku soo koobay Khadar Aadan, ayaa sheegay in ciidan beeleed ka soo jeeda beesha Baho faarax Biciide maleeshiyaad ciidan beeleed ah  oo is urursaday ku sugan yihiin Ceel-nimcoon iyo Xaamilka oo laba qaybood kala fadhiya ku sugan yihiin ciidan beeleedyadaa Jabhada ah. Waxa ayaan daro-weyn ah in Badhasaabka Gobolka Sanaag Maxamed Axmed Tiibaro, Maayarka Degmada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur Faarax iyo masuuliyiinta ha’yadaha nabadgelyadu way ku fashilmeen ceebta iyo masiibada ka soo socota Gobolka Sanaag. Madaxweyne Muuse biixi iyo xukuumaddiisa waxaad moodaa inay raali ka tahay waxa ka socda Sagaan, sababtoo ah maamulka Gobolka ee ku fashilmay shaqadii looigmaday ayuu xilka ka qaadi lahaa. Badhasaabka iyo Maayarka iyo dhamaan ha’yaddaha amaanka ee Gobolka Sanaag way og yihiin Jabhadahan ciidan beeleedka ah ee ka samaysmay Sanaag.”

Sidoo kale, qaar ka mid ah ayaa u xaqiijiyey Baraarugnews.net, iyagoo ka gaabsaday magacooda in la sheego sababa la xidhiidha xaga amaankooda, ayaa sheegay in hubka iyo rasaasta kala soo degaan dhinaca xeebaha maamul-goboleedka Puntland gaar ahaan Xeebaha Gobolka Boosaaso ee Puntland, isla markaana waxa jira gaadiid Tikniko ah oo beelaha ku dagaalamaaya Ceel-afweyn ka soo iibsadeen, kurkana kaga soo jaray kuna dagaalamayaan gadiidkaa tiknikada ah ee qoriga la saaray. Inkastoo raga tagay magaalada Garoowe ee gaadiidka ka soo iibiyey waxa ku jira Jiif-caaqilo iyo xubno ka soo jeeda beelaha isku dilay ceel-afweyn ayaa ka cudur-daartay in magacooda la xusin saamayn la xidhiidha innuu saameyn ku keeno noloshooda warkan, ayaa u sheegay shabakada Baraarugnews.net in sababta dagaalka labada beelood iyo maantada u badan danyarta ee ka soo jeeda labada beelood ee deegaanka Ceel-afweyn waxay sheegeen inay xukuumadda xisbiga Kulmiye ee Madaxweyne Muuse Biixi iyo wasiiradda dawladiisa ay kaw ka yihiin dadka isku dilaaya beelaha oo aaney daacad ka aheyn inay si cadaalad ah oo dhinacna garabka saarin inay u gasho mushkilada iyo colaada ka dhex-taagan beelaha walaalaha ah ee shaydaanku isku diray. Balse waxay sheegeen in  sided iyo sodon tuulo (38 tuulo), oo hoosyimaada Degmada Ceel-afweyn, wada degan yihiin beelaha is dilay aaney joogin hal askari oo boolis ah saldhig-yarna aanu ku oolin, oo aaney kaba jirin hayadaha amaanka u xilsaaran ee Somaliland ay ka cabsi qabaan innay mar kale dagaalo ku dhex-maraan labada beelood oo tuurka ku jira iyagoo hubaysan.

Hase,yeeshee arrinta ayaa fashil iyo masuuliyad-daro weyn waxay ku tahay Badhasaabka Gobolka Sanaag Maxamed Axmed Tiibaro iyo Maayarka  degmada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur Faarax iyo laamaha amaanka ee gobolkaa ayaa ku fashilmay masuuluyadii loo igmaday innaaney uga hawl-galin sidii loo baahnaa, isla markaana bulshada Gobolkaa ayaa cadeeyay in Maayarka iyo Badhasaabka Gobolka Sanaag ay xidhiidho hoose la leeyihiin, dhawr jeerna la kulmeen qaar ka mid ah maleeshiyo beeleedyadan isu-abaabulay qaabka jabhadaha oo kale isku soo qadaaya weerar gaadmo ah, taasoo la sheegay in Badhasaabka oo dhalasho ahaan ka soo jeeda beelaha degan Hargeysa sababta uu uga aamusan yahay tahay baqitaan uu ka baqayo beelaha dirirtu dhex-martay. Isla markaana Xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa soo food saaray xaalado adag iyo inay dhamayn kari ladahay colaadaha ka aloosan gudaha ee beelaha, taasoo haddii wax laga qaban intay goor goortay, keeni karta inay masiibadu intan ka badato, siina fido.

Si-kastaba ahaateen,  hogaanka ciidanka maanka ee booliska Somaliland , ayaa ku guul daraystay inay ogadaan meelaha ay rasaasta iyo saadka ka helaan maleeshiyaadka beelaha ah eek u dagaalamaaya ceel-afweyn iyo dhulka loo soo mariyo rasaasta ay u keenaan gaadiidka qaabka tuugada ah ugu keena maleeshiyo beeleedyada isku urursanaaya deegaanada Gobolka Sanaag.

Office Baraarugnews.net Iimeel Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here