Jamaal ka tirsan Madaxda Kulmiye Oo Ku Tilmaamay Tuugo Boobtay Somaliland Xukuumaddii Madaxweynihii Hore Axmed Siilaanyo &Hiil Qabyaalad Qaawan Ahna Garabka Saaray Wasiirka Isku Beesha Yihiin Dr. Sacad Iyo Madaweynaha Habar-awal

0
120
Jamaal ka tirsan Madaxda Kulmiye Oo Ku Tilmaamay Tuugo Boobtay Somaliland Xukuumaddii Madaxweynihii Hore Axmed Siilaanyo &Hiil Qabyaalad Qaawan Ahna Garabka Saaray Wasiirka Isku Beesha Yihiin Dr. Sacad Iyo Madaweynaha Habar-awal

Hargaysa (Baraarugnews.net)-Jamaal Cali Xuseen oo ka tirsan xisbi xaakimka talada haya ee uu Guddoomiyaha ka yahay Muuse Biixi Cabdi ee Kulmiye, ayaa qoraal nuxurkiisu yahay ama  u-jeedadiisu tahay macna’ahaan u dhacaaya mid taageero iyo hiil u ah Wasiirka Wasaarada Maaliyada Dr. Sacad Cali Shire oo isku beel yihiin Ciise Muuse, isla markaana xukuumaddii Madaxweynihii hore ee inaadeerkii Muuse Biixi Cabdi ku wareejiyey xilka Madaxweynimada iyo xisbigiisii Kulmiye ku tilmaamay Wasiiraddiisii xukuumaddii hore Axmed Siilaanyo mid tuuga aheyd oo dayn ku wareejisay Madaxweynaha Habar-awal ee Muuse Biixi.

Jamaal Cali Xuseen oo qoraalkan ka soo xigtay xafiiska wararka ee Baraarugneews.net ee magaalada Hargeysa, ayaa ku sheegay, isagoo tusaale u soo qaatay lacagta dayn ah ee Wasiirka beeshiisa Dr. Sacad Cali Shire ka sheegay shalay aqalka Golaha wakiilada inay ku wareejisay dayn ay la daalo-dhacayso xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay inaadeerkii Muuse Biixi.

“Waxa Jira Laba Tuug Oo Kala Khatarsan.  Waxa laba jira laba nooc oo tuuganimadda ah. mid si toos ah ayuu u xadaa wixii markaa yaalla. Haddaba waxa jira tuug nooc kale ah oo isagu intaanu waxba xadin dadka ka sii dhaadhiciya inay lacagtaasi maqan tahay. Haddaba nooca danbe ayaa khatar ah. Waxba garan maynee si Alle u daa.”. Sidaa ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen oo u-jeedada qoraalkan aadka u kooban ugu tuur xulayey inay xukuumaddii hore ee axmed siilaanyo dalka xaday oo tuugo aheyd, Balse Jamaal Cali Xuseen ma qabyaalad hiil ah ayaa jiidatay,isagoo Dr. sacad Cali Shire wuxuu ka mid ahaa wasiiraddii xilka ka hayey intii ay jirtay xukuumaddii hore ee Axmed Siilaanyo, aadna ugu dhawaa qoyskii hore ee Madaxweyne Siilaanyo Aamina Waris iyo Samsam Cabdi Aaadan oo aheyd Wasiirkii maaliyada ee ugu dambeeyay xukuumaddii xilka ka degtay, halka Wasiiraddii dhamaan soo wada maray maaliyada ee qasnadii dawladdaa hore ahaayeen masuuliyiinta ka soo jeeday beeshiisa Habar-awal Jamaal CALI Xuseen

Xafiiska Wararka ee Baraarugnews.ne

MIAL:- Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here