Jeneraal  Moorgan Oo Dhaawicii Ka Soo Gaadhay Dagaalkii Dhex-maray Somaliland Iyo Puntland Ee Tukaraq Ugu Geeryooday  Cisbitaal Ku Yaal Dalka Maleesiya

0
1506

Maleesiya,(Baraarugnews.net)-Jeneraal Maxamed Siciid Moorgan, ayaa ku geeryooday cisbitaal ku yaal dalka Maleesiya, isla markaana waxa la sheegay innuu u geeryooday dhaawac halis ah oo ka soo gaadhay dagaaladii u dambeeyay ee ku dhex-maray ciidamada qaranka Somaliland iyo maamul-goboleedka soomaaliya ee Puntland deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool. Warku wuxuu intaa ku darayaa in Maxamed Siciid Moorgan uu dhaawaca ka soo gaadhay hubka ridada dheer ee madaafiicda ah markii ciidamada qaranka Somaliland ku rideen goobta ugu wayn taliska madaafiicda ay ku lahaayeen goob dhinaca Gobolka Sool ka soo xigta magaalada Garoowe ciidamada maamul-goboleedka Puntland oo isaga iyo saraakiil kale oo puntland ah oo watey laba gaadhi oo rasaastu Karin uu haleelay madfac ku dhacay labadaa saraakiil oo u qaabilsanaa dhinaca madaafiicda maamulka Garoowe, ka dib markii uu ku dhaawacmay diyaarad lagaga qaaday Garoowe, iyadoo la geeyay magaalada Muqdisho. Isla markaana loo sii dhaafiyey Dhaawaciisa magaalada Nayroobi ee dalka Kiiniya, iyadoo la sheegay in dhaawaciisa oo halis ahaa markii ay dhakhaatiirta dalka kiiniya sheegeen innaaney wax-ba ka qaban Karin dhaawaca ka soo gaadhay dagaalka Tukaraq, iyadoo diyaarad laga saaray Magaalada Nayroobi loo sii dhaafiyey dalka Maleesiya.

Jaaliyada Iyo ardayda soomaalida ee wax ka barta dalka Maleesiya ayaa wakaalada Baraarugnews.net u cadeeyay in Jeneraal Maxamed Siciid Moorgan uu muddo maalmo badan ah ku jiray koomo Cisbitaal ku yaal Kuala-Lumbur ee dalka Maleesiya  oo ku geeryooday ama ku dhintay cisbitaal ku yaala Kuala Lumbur, kuwaasoo xaqiijiyey innuu muddo dheer koomo ku jiray  intuu cisbitaalkaas ku jiray Kuala-Lumbur ee dalka Maleesiye.

Geesta kale, Hablo walaalo yihiin oo ku nool  Minneapolis ee dalka Maraykanka, ayaa la sheegay inay boroor-diiq iyo tacsi  walaalkood  ugu boroor diiqayeen Jeneraal Moorgan ku qabteen Minneapolis ee dalka Maraykanka, isla markaana ehelada iyo qoyska Jeneraal Moorgan ayaa la sheegay in talo lagu gaadhay in la qariyo geerida Jeneraal Moorgan oo todobaadyadii ugu dambeeyay ku geeryooday cisbitaal ku yaal dalka Maleesiya.

Waxa kale, oo la sheegay in Jeneraal Moorgan oo la qarinayey geeridiisa lagu aasay deegaanada soomaalida ee dalka Kiiniya oo qaab  qarsoodiya loo aasay, iyadoo la sheeegay in amar lagu bixiyey in la sheegin geeridiisa, taasoo qarinta dhimashadiisa lala xidhiidhiyey inay beesha uu ka soo jeedo Moorgan iyo beelaha Majeerteen ee Puntland u arkeen inay ku farxayaan shacabka iyo dawlada Somaliland oo markii uu dhuntay lana qorsheeyay aaskiisa talooyin badan laga yeeshay in la sheego iyo in la qariyo geeridiisa lagu taliyey inay macno weyn u kordhinayso xukuumadda Somaliland iyo Jeneraal Moorgan oo qayb ka ahaa xasuuqii ay kula kacday dadkii rayidka ahaa dawladii kali taliska aheyd ee Maxamed Siyaad barre.

Sidoo kale, dad lagu kalsoon yahay oo ka cudur daartay in magacooda la sheego oo ku nool magaalada Garoowe ee Puntland, ayaa sheegay inay jirto geerida Jeneraal Moorgan, isla markaana waxay sheegeen in lagu amray shacabka Puntland iyo madaxda kale ee maamulkaasi ciddii laga maqlo ama sheegta geerida moorgan talaabo sababikarta cawaaqib iyo dhibaato soo gaadha qofka laga maqlo lagu samayn doono ciddii shaacisa ama sheegta geerida moorgan, isla markaana qaar ka mid ah shacabka Puntland ayaa xaqiijiyey iyaguna geerida Jeneraal Maxamed siciid moorgan inuu u dhintay dhaawicii ka soo gaadhay dagaalka Tukaraq ee dhex-maray Somaliland iyo maamul-goboleedka soomaaliya ee Puntland.

Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here