Khasaaraha ka dhashay Qarax Caawa Lagu Weeraray Masuuliyiin Ciidanka Booliska Oo ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0
41
Khasaaraha ka dhashay Qarax Caawa Lagu Weeraray Masuuliyiin Ciidanka Booliska Oo ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Muqdisho,(Baraarugnews.net)-Qarax lala beegsaday masuuliyiinta ciidanka booliska magaalada Muqdisho, isla markaana Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xoog leh caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Waaberi.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Qaraxa  lala beegsaday gaadhiga afhayeenka booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Doodishe, xilli uu mararyey wadada 21-ka October, gaar ahaan agagaarka isgoyska Afisyooni. Afhayeenka ayaa la sheegay in uusan la socon gaadhigiisa markii qaraxa lala beegsaday, waxaana la soo werinayaa khasaare nafeed oo ka dhashay qaraxaas oo noociisa lagu sheegay miino la dhigay wadada dhinaceeda.

Sidoo kale, Goobjoogayaal ayaa sheegay in qof shacab ah oo wadada marayey uu ku geeriyooday qaraxaas, iyadoo ay jiraan dhaawacyo kale oo aan illaa hadda si rasmi ah loo ogaan inta ay dhanyihiin. Balse Ciidamada ammaanka ayaa goobta gaaray, kuwaas oo hakad geliyey dhaq-dhaqaaqa wadada, welina wax faahfaahin ah laamaha ammaanku qaraxaas kama bixin.


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here