Garoowe, (Baraarugnews.net)- Shirka golaha wasiirrada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa goor dhow ka furmay xarunta wasaaradda maaliyadda Puntland ee magaalada Garoowe, kaddib saacado badan oo dedaal lugu bixiyay s sidii loo qaban lahaa shirka Golaha Wasiiradda dawladda Faderaalka Soomaaliya inuu qabsoomo,markii ay ka soo horjeesteen xubno ka tirsan Puntland.
Shirka oo u guddoominayo ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka, Xasan Cali Khayre,waxaa kalo ka qeybgalaya madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ku-xigeenkiisa iyo wasirrada Puntland.
Lama oga ajandayaasha shirka looga hadlayo, balse wasiirka ka tirsan xukuumadda federaalka ayaa u sheegay Hiiraan Online shirka inuu qeyb ka yahay kulamadii toddobad-laha ahaa ee golaha wasiirrada,waxaase uu kulamadii hore uga duwanyahay shirka inay ka qeybgalayaan, madaxweyanaha Puntland, ku-xigeenkiisa iyo golaha wasiirrada.
Horey golaha wasiirrada ayaa ugu shirey magaalada Kismaayo iyo Baydhabo, waxaana Garoowe ay noqoneysa magaalada saddexaad ee ka baxsan caasimadda Muqdisho oo shirka martigalisa.
Baraarugnews.net Iimeel:- Caarshe7@hotmail.com