Khilaaf Xoogan Iyo Dagaal Hadheeyay Guud Ahaan Xuskii Ugu Horeeyay 18 May Uu Qabto Madaxweyne Kornayl Muuse &Maxaa Hadhay Haddii Maanta La Isku Hayso Aas-aaskii Gooni-isutaagii SOmaliland

0
579

Burco, (Baraarugnews,net)- Tan iyo intii ay Somaliland la soo laabtay xoriyadii luntay 1960’kii ee ay ka qaadtay dawlada Ingriiska, ayaa markii ugu horaysay laba xafladood oo kala socda lagu xusayayaa 18’ka May, magaalada London oo ay deganyihiin qurbo jooga ugu badan ee reer Somaliland labadan xafladood ayaa dhici doona isku maalin oo noqon doonta 11ka May.

Kala fogaanshaha iyo kala qaybsanaanta reer Somaliland ee UK- ayaa salka ku haysa doorashadii dhawaan ka dhacday dalka ee dhalisay buuqa reebtayna xanafta. Qaybsanaantani ayaa sidoo kale ka jirta dalka gudahiisa ilaa hadana ma cada talaabooyin wax ku ool ah oo ay qaaday xukumadda Muuse Biixi oo dadka la isugu soo dhawaynaayo.

Sidoo dalka Jarmalka ayaa la abaabulayaa laba xafladood kuwaasoo ka kala qabsoomaya magaalooyinka Kassel iyo Frankfurt, waxaana kala agaasimaya laba qaybood oo ka mid ah jaaliyadda Somaliland

Geesta kale dalka gudihiisa ayaa aad looga dareemayaa kala qaybsanaanta xuska 18-ka may oo ay dadka qaar taagersan yihiin in maalinteeda la xuso halka kuwa kalena ay taageersan yihiin 15-ka may oo ay xukuumaddu qoondaysay in la qabto.

Dadweynaha ku dhaqan magaalada Burco ayaa si adag uga soo horjeestay maalinta ay xukuumaddu u bedeshay xuska 18-ka may ee la soo noqoshada madax banaanida Somaliland.

Ugu dambayn waa markii ugu horraysay ee taariikhda Somaliland oo lagu kala qaybsamayo xuska maainta qaranimada Somaliland.

Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here