Khilaafka Ka Dhex-taagan Somaliland Iyo Itoobiya Iyo Faddeexadda Aqalka Madaxtooyada Hargeysa &Meeqaabka Muuse Biixi Oo Lagu Qiimeeyay Madaxweynayeyaasha Maamul-goboleedyada Soomaaliya

0
487
Khilaafka Ka Dhex-taagan Somaliland Iyo Itoobiya Iyo Faddeexadda Aqalka Madaxtooyada Hargeysa &Meeqaabka Muuse Biixi Oo Lagu Qiimeeyay Madaxweynayeyaasha Maamul-goboleedyada Soomaaliya
Khilaafka Ka Dhex-taagan Somaliland Iyo Itoobiya Iyo Faddeexadda Aqalka Madaxtooyada Hargeysa &Meeqaabka Muuse Biixi Oo Lagu Qiimeeyay Madaxweynayeyaasha Maamul-goboleedyada Soomaaliya

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku dhawaad labaatan  Iimeel (20 Email), oo kala duwan u diray Raysal,wasaaraha dalka Itoobiya Dr Abiy Ahmed, isla markaana Madaxweyne Muuse Biixi ayaa la sheegay in dalab codsiyo qoraalo kala duwan oo isugu jira fariimo ay xabaarsanaayeen Iimeelada uu u diray iyo xidhiidho dhinaca khadka telifoonka ah oo uu kaga dalbanayey Raysal,wasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy Ahmed innuu ka ogolaado innuu safar ugu yimaado oo wadda kulmaan, isagoo xitaa Muuse Biixi isku dayey innuu dad u adeegsado si uu ula kulmo ama u arko,  safarna ugu tago Raysal,wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Iimeelada kala duwan ee u diray Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi kaga dalbanayey Raysal,wasaaraha dalka Itoobiya innuu la kulmo, Balse dalabka iyo codsiga Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay innuu ku gacansaydhay raysal,wasaaraha dalka Itoobiya oo ku  diiday kulanka uu ka codsaday Muuse Biixi Cabdi.Balse xidhiidhe kale oo khadka Telifoonka kula xidhiidhay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Wasiirka Warfaafinya iyo Guddoomiyaha maxkamada dawladd deegaanka ismaamul Soomaalida ee Itoobiya oo isku beel yihiin ayaa ka codsay inay kulan marti qaad ah uga soo dhameeyaan Raysal,wasaaraha dalka Itoobiya Abiy, si uu safar ugu tago Adis-ababa oo ka wada hadlaan xidhiidhkii ka dhaxeeyay Somaliland iyo Itoobiya waxa sababay innuu burburo iskaashigii iyo wadda  shaqaytii dhinaca amaanka ee labada dal  ee Itoobiya iyo Somaliland oo gabi-ahaan intii Muuse Biixi hayey xilka Madaxweynimada Somaliland ayaa meesha ka baxay. Isla markaana waxa la sheegay in Raysal,wasaaraha Itoobiya Abiy iyo Madaxweynaha dawladda faderaalka Soomaaliya Maxamedc Cabdillaahi farmaajo heshiis dhex-maray ay isla qaateen in wixii maamul-goboleedyada Soomaaliya ka jira  aanu ilaaqaad iyo xidhiidh  wada shaqayn ah la samayn oo wixii danaha Itoobiya ka soo gala Soomaaliya lagala hadli-karo oo kaliya dawladda Madaxweynaha dawladda Faderaalka Soomaaliya Cabdillaahi Farmaajo, iyadoo kulanadii kala duwanaa ee dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal,wasaaraha Itoobiya isla qaateen in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu ka mid yahay madaxweyneyeyaasha maamul-goboleedyada Soomaaliya ka jira oo aanu aheyn Madaxweyne ka badax-bannaan dawladda faderaalka ee koonfurta Soomaaliya ee uu u taliyo Madaxweyne Farmaajo.

Raysal,wasaaraha dalka Itoobiya Abiy ayaa aamisan ama u aqoonsan Madaxweyne maamul-goboleed oo aanu aheyn Madaxweyne buuxa Muuse Biixi Cabdi iyo dawladda Somaliland inay ka tirsan tahay dawladda faderaalka Soomaaliya oo Muuse Biixina uu yahay Madaxweyne maamul-goboleed ka tirsan Dawladda Faderaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay in dhibaatooyin ay ka haystaan dhinaca xidhiidhka waddamada geeska afrika iyo waddamada reer Galbeedka oo xidhiidh qoto dheer uu ka dhexeeyay muddo dheer Somaliland uu meesha ka baxay intii uu hayey xilka muuse Biixi, iyadoo la tilmaamay innuu sabab yahay madaxweyne Muuse Biixi, Balse xogahaa ayaa tibaaxay inay sabab u tahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo aqoon la’aan ka haysato luuqada bodhi-laan kuwayjka lagula hadlo hogaamiyeyaasha waddamada Reer Galbeedka iyo dawladda Itoobiya oo arrimaha keenay in xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland meesha ka baxo ay keentay luuqada uu is-ticmalayo Muuse Biixi oo ka madhan qaabka iyo baratakool ahaan luuqadaha siyaasadda arrimaha dibadda iyo mid dublamaasiba oo aad moodo inay soo qoreen dad suuqa jooga oo ka madhan maamul dawladeed iyo mid madaxtoona lagu tilmaami karo uu u diro dawladaha uu xidhiidhka la sameeyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, taasina keentay dhaawac weyn oo dhinaca Somaliland ku yimi intii uu hogaminyey Muuse Biixi, meeshana ay ka baxday heerkii dawladnimo ee ka taagnayd Somaliland dawladdaha Itoobiya iyo waddamada reer galbeedka, gaar ahaan Yurub iyo Ingiriiska oo isaguna xidhiidhkii uu la lahaa Somaliland meesha ka sii baxayey intii Muuse biixi uu hayey hogaaminta Somaliland, isla markaana dawladnimada Somaliland ayaa mar-bamarka ka sii dambaysa ku sii dhacaysa god madow oo khatar ku ah madax-bannaanadii iyo gooni isu-taagii dawladnimada shacabka reer Somaliland muddada dheer ku socdeen oo maanta faraha ka sii baxaysa, jardheerna ka sii laad-laada.

Hase yeeshee, xogo lagu kalsoon yahay, ayaa us heegay shabakada Wararka ee Baraarugnews.net in wakhti xaadirkan khilaaf xoogan ka dhex aloosan yahay maamulka Muuse Biixi iyo  Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, isla markaana Raysal,wasaaraha Itoobiya wali ay baryayaan xubno Muuse Biixi u diray dalka Itoobiya, laakiin uu dhegaha ka furaystay Raysal,wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed

Xafiiska Wararka ee Baraarugnews.ne

MIAL:-Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here