Kooxda Al-shabaab Oo Gudaha u galay Magaalada Boosaaso &Saraakiil Kala Hogaaminaysa Ciidamo ka wada Tirsan maamulka Puntland oo dagaal ku dhex-maray Magaalada Boosaaso Iyo Tiradda Dhimasho iyo Dhaawac

0
403
Kooxda Al-shabaab Oo Gudaha u galay Magaalada Boosaaso
Kooxda Al-shabaab Oo Gudaha u galay Magaalada Boosaaso &Saraakiil Kala Hogaaminaysa Ciidamo ka wada Tirsan maamulka Puntland oo dagaal ku dhex-maray Magaalada Boosaaso Iyo Tiradda Dhimasho iyo Dhaawac

Boosaaso,(Baraarugnews.net)-Laba Ciidan oo ka soo kala jeeda maamulka Madaxweyne Siciid Dani iyo saraakiil gacanta ku hayey ciidamo ka tirsan maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland, ayaa maanta dagaal culus oo sababay dhimasho iyo dhaawac ku dhex-maray gudaha magaalada Boosaaso,balse qaabka ay u dhisan yihiin ciidamada maamulka Puntland,waxa gacanta ku haya oo saraakiisha gacanta ku haya ciidanka Puntland mid wal-ba waxay ka amar qataan beelaha ay ka soo kala jeedaan ee Beesha Majeerteen.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in ciidamo hore u taabacsanaa oo ka tirsanaa maamulka Puntland oo ka soo ruqaansaday magaalada Carmo ee gobalka Barri dagaal ku dhex-maray ciidamo kale oo ka tirsan, isla maamulka Puntland, isla markaana qaar ka mid ah beelaha majeerteen ee degaan ahaan degan Gobolka Bari, gaar ahaan magaalada Boosaaso ay gudaha u galeen magaalada Boosaaso, kuwaasoo la wareegay gacan ku haynta Madaarka iyo Dekeda Boosaaso, halka ciidanka kale ee iyagu taabacsan madaxweynaha Puntland Siciid Deni laga saaray magaalada.Balse wararka kala duwan ee ka soo baxaaya dagaalka dhex-maray ciidamo kala taabacsan saraakiil ka soo jeeda beeshooda iyo Madaxweyne Siciid Denay ayaa la sheegay in dhimashada ciidamada Siciid Deni ay gaadhayso ilaa inta la hubo 10, halka dhaawacuna yahay 16. Kuwa kale ee la dagaalamay dawladda madaxweynaha Puntland ayaa la sheegay in dhimashadha dhinacooda ayaa lagu sheegay 4, halka dhaawac ahaana ay gaadhayso 7.

Sidoo kale, ciidamada dagaalka ku soo qaaday magaalada Boosaaso ayaa waxa hogaaminaaya taliyihii haysan jiray ciidanka P.I.S ee  Puntland Maxamuud Cismaan Cabdullaahi Diyaano  iyo taliyihii haystay ciidanka fadhiyey Carmo ee Gobolka Bari ee Puntland.

Nabadoon Suxulle Yaasiin Ismaaciil oo u waramay Idaacada VOA, ayaa sheegay in ciidamada qabsaday magaalada Boosaaso  ay leeyihii beelaha degan Boosaaso, isagoo xusay in beeshiisu raacsan yihiin ciidamada soo galay magaalada Boosaaso.

Nabadoon Suxulle Yaasiin oo ka hadlay  sababaha keenay dhacdadaas, in ay u soo galeen magaalada, sidii  ammaanka u sugi lahaayeen, ka dib markii uu sheegay in dawladda Puntland ay ku fashilantay.

Geesta kale, dagaal yahano ka tirsan kooxda al-shabaab oo ku sugnaa buuraha Galgala ee Puntland ayaa galabta, iyaguna gudaha u soo galay magaalada Boosaaso, isla markaana kooxda al-shabaab ee buuraha ka soo baxday ayaa la sheegay in ay sabab u aheyd markii meesha ka baxday ciidamadii hor taagnaa ee Puntland.Hogaamiyaha kooxda Al-shabaab ee buuraha Galgala ku jiray oo uu hogaamiyo nin beesha Warsangeli ka soo jeeda ayaa qabsaday qaybo ka mid ah magaalada Boosaaso, kuwaasoo caawa gudaha ku jira magaalada Boosaaso.


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here