Kooxo Weeraray Saldhigyo Gudaha Laascaanood ee Ciidamada Booliska Somaliland &Gobolka Sool Oo Faraha Ka Sii Baxaaya Dawladda Kabtan Muuse Biix

0
836

Sool,(Baraarugnews.net)- Dableydan oo aan ilaa hada  la aqoonsan ayaa sadexdii habeenimo weerar qoryaha fudud la adeegsanayey ku qaaday saldhiga Barriga Laascaanood ku qaaday, halka  waxyar ka dibna ay ka bilaabantay saldhiga Badhtamaha.

Israsaasayntan oo soo gaadhey salaadii Subax  kadib ayaan  la ogayn khasaaraha dhabta ah ee  soo gaadhey labada dhinac, ilaa haatana kama hadal masuulihiinta ciidanku.

Dad degan guryaha ku dhow saldhiga badhtamaha ayaa HOL u sheegay in rasaas  xoogleh ay markii hore saldhiga lagu ridey mudo kadibna meel ka baxsan saldhiga rasaas  xoogan ka dhacday, waxase ay badankoodu sheegeen in xaafaduhu wada tooseen  laakiin aan banaanka loogu bixin.

Xaalada magaalada Laascaanood ayaa maalmihii u dambeeyey laga dareemayey dareen  kacsan iyadoo badanaa taa la saaro xiisada ka alloosan Tukaraq ee u dhaxaysa Puntland iyo Somaliland.

 


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here