
Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Maxkamada sare ee Somaliland, ayaa ku wargelisay innuu buuxiyo jagadii xildhibaanimo ee uu baneeyay allae ha u naxariistee marxuub Ibraahin Kacaan Xuseen Axmed Caydiid inuu yahay Xubinta Xaqa u leh inay Buuxiso Booskaa mudanayaasha aqalka Golaha Wakiilada Somaliland.
Xogo lagu kalsoon yahay oo u dhuun-daloolay booska ay isku haysteen Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Somaliland Abees iyo Xuseen Axmed Caydiid, ayaa la sheegay inay Maxkamada Sare u xukuntay innuu biixyo jagadaas Xuseen AXMED Caydiid. Isla markaana Madaxweyne Kornayl Muuse Biixi Cabdi ayaa ku guul-daraystay dedaal iyo dagaal halgan oo uu ugu jiray si aanu ugu soo biirin aqalka Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland Xuseen AXMED Caydiid. Warku wuxuu intaa ku darayaa in Muuse Biixi iyo Xuseen Axmed Caydiid ay col ahaayeen ilaa xilligii SNM, iyadoo dagaal afka ahna isku qaadeen xilligii Guddoomiyaha iyo murashaxnimada lagu jiray siddii Muuse Biixi looga dhigi lahaa xisbiga Kulmiye, iyadoo Xuseen Axmed Caydiid-na laftigiisu ka mid ahaa saraakiishii ciidamada bada ee dawladii Maxamed Siyaad Bare. Balse Xuseen AXMED Cadyiid oo ka mid ahaa isaguna Wasiiraddii xukuumaddii Madaxweynihii hore ee Axmed Siilaanyo ayaa iska casilay wasiirnimadii xukuumaddii Axmed Siilaanyo, taasoo sabab u aheyd markii Muuse Biixi laga dhigay murashaxii iyo Guddoomiyihii Kulmiye