Kornayl Muuse Biixi Oo Wiilashii Uu Adeerka U Ahaa Siiyay Qandaraas Lacag Badan Ku Baxayso & Somaliland Ma In loo Heesay u Baahan-tahay Mise Cadaalad?.

0
602
Kornayl Muuse Biixi Oo Wiilashii Uu Adeerka U Ahaa Siiyay Qandaraas Lacag Badan Ku Baxayso & Somaliland Ma In loo Heesay u Baahan-tahay Mise Cadaalad?.

Hargeysa,(Baraarugnews.net)- Madaxweyne Muuse Biixi oo Qandaraas Lacag Badani ku Baxayso ku Siiyey Wiil Ganacsade ah oo u Adeer u yahay Iyo Fanaanka Bk Inay Lixda Gobol kusoo Qabtaan Bandhig-faneed Qabyaalada lagula dagaalamayo… Somaliland Ma In loo Heesay u Baahan-tahay Mise Cadaalad?.

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa qandaraas ku siiyey Wiil uu adeer u yahay oo ganacsade ah iyo fanaanka Maxamed Siciid Bk, dhaqaale xadigiisu badan yahay inay lixda gobol ee Somaliland uu fanaanku bulshada kaga wacyi-geliyo bulshada qabyaalada, isla markaana kusoo qabto bandhig fanneedyo Lacag la’aan ah.

Fanaanka Maxamed Siciid Bk iyo ganacsadahan kasoo jeeda qoyska madaxtooyadda, ayaa qorshahan lagu siiyey Lacag 100’000, Dolar ah, iyadoo hadda lacagtaa loo sii daayey 50,000, Dolar oo lagu soo samaynaayo bandhig faneedyada lixda gobol. Iyadoo qorshahan wacyigelinta ee bandhig faneedka todobaadkan lagu qabtay Habeenkii Hargeysa huteel Crown ee Caasimada Jamhuuriyada Somaliland.

Ganacsadahan Madaxweynuhuu adeerka u yahay, oo isaggu lahaa fikirka Fanaankan lagu hawl-geliyey, ayaa Lagu magacaaba Cabdi Yuusuf Aar, kaasoo ah Gudoomiyaha Shirkadda Daabacaada ee Sagal-jet, kasoo Kamid ah, casabada aqalka Madaxtooyada sida dadban awooda ugu dhex leh, waxana hore loo siiyey qandaraasyo tiro badan tan iyo intii uu Madaxweynaha noqday Muuse Biixi Cabdi. Sidoo kale,waxa uu Ganacsade Cabdi Yuusuf Aar Kamid ahaa gacan-yarayaashii Madaxweyne Muuse Biixi u dirsaday boobkii doorashada,  isaggoo maalmihii Codbixinta todobaadyo ka hor joogay Magaalada Boorama, halkaasoo uu geeyey Waraaqo dheeraada, isla markaana qayb ka ahaa isagga iyo ganacsadaha kalee fidmada ku suntan Maxamed Aw Siciid ay shacabka danyarta ah ee reer boorama ka iibsanayeen Kaadhadhkii Codbixinta

Si kaataba ha ahaatee, tallaabadan ayaa noqon doonta mid aan waxba soo kordhin, waayo? Somaliland umma baahna fanaan u heesa, hase-yeeshe waxay u baahan tahay Cadaalad iyo sinnaan iyo weliba talaabooyin cadcad oo ah inuu Madaxweynuhu isbedel Sal-balaadhan oo aan dhinac ka rarayn ku sameeyo Xukuumadan xashiishka ah ee u Urursaday. Hadii’se aqoonta iyo garaadka Madaxweynuhuu dhaafi la yahay heesaad wax ku daweyn, habeenna muu jirin Somaliland gacantiisay ku burburaysaa.

Saylac News online

saylacnews23@gmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here