
Garoowe, (Baraarugnews.net)- Madax-dhaqmeedkii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u diray Isimada dhaqanka iyo Madaxweynaha Puntland Cabdi weli gas, sidii ay ugala soo hadlilayeen inay joojiyaan dagaalka Tukaraq, ayaa kulamo kala duwan la yeeshay Isimada dhaqanka ee Puntland, isla markaana Salaadiinta ka socday dawladda Somaliland, ayaa wali kulamo kala duwan la yeelanaaya madaxda Puntland iyo Isimada Garoowe iyo deegaanada kala duwan ee Puntland.
Salaadiinta uu diray Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa magacyadoodu kala yihiin sidan:-
1-Suldaan Maxamuud Guuleed Mire
2-Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen
3-Axmed Aadan Buuxane
4-Ganacsade Jamaal Caydiid Ibraahim
5-Ganacsade Cismaan Baane
6-Ganacsade Xasan Yuusuf iyo
7-Siciid Aadan Guuleed
Xubnahaa ergada ka socday dhinaca Xukuumadda Somaliland, ayaa la sheegay innuu horkacayey Suldaan Maxamuud Guuleed Mire oo kamid ah salaadiinta aadka ugu dhow madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi,, isla markaana waxay kulamo la qaateen isimada Puntland oo ay ka mid yihiin Suldaan Siciid Maxamed Garaase,Garaad saleeban, Garaad Maxamed,Islaan Ciise Islaan Maxamed Islaan Muuse,Garaad Cabdullaahi Cali Ciid iyo qaar kamid ah ganacsatada maamulka Puntland.
Geesta kale, Warbaahinta Puntland, ayaa sheegtay in Salaadiinta ka socoday dhinaca Somaliland inay isimada Puntland kala hadleen xal u-helidda xiisadda ka aloosan gobolka Sool ee u dhexaysa Puntland iyo Somaliland iyo ciidamada isku horfadhiya Tukaraq, laakiin waxay xuseen innaanay jirin war dheeraad ah oo faahfaahsan ama war-murtiyeed ay ka soo saareen waxyaabihii dhex-maray iyo natiijada kulankaasi wuxuu ku soo dhamaaday Isimada puntland iyo Salaadiinta Somaliland.
Sidoo kale, warbaahinta Puntland ayaa sheegtay in Ergada ka socotay Somaliland u sii gudbeen dhinaca magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar, halkaasoo ay kulan kula yeesheen Boqor Burhaan Boqor Muuse iyo qaar kamid ah waxgaradka iyo ganacsatada Gobolka Karkaar. Balse Warbaahinta Dawladda Puntland ee xarunta Garoowe, ayaa faafisay in Wefdiga ka yimid dhinaca Somaliland ee ka kooban salaadiinta iyo ganacsatada ayaan wax kulan ah dhexmarin masuuliyiinta maamulka Puntland,sida ay xaqiijiyeen.
Baraarugnews.net Iimeel:- Caarshe7@hotmail.com