Liiska Tiradda Dadka Ragaabka Ahaa Ee KuDhintayDiyaaradda Itoobiya Airlines &Dalalka Ka Soo Jeedeen Iyo Soomaalida Ku Geeryootay

0
119
Liiska Tiradda Dadka Ragaabka Ahaa Ee KuDhintayDiyaaradda Itoobiya Airlines &Dalalka Ka Soo Jeedeen Iyo Soomaalida Ku Geeryootay

Itoobiya,(Baraarugnews.net)-Madaxda shirkadda diyaaradaha Ethiopian Airlines, ayaa shaaciyey Diyaaradda Itoobiya Airlines dalalka ay ka soo jeedaan dadkii la socday ee  ku dhintay diyaaradii burburtay oo la sheegay in gabi ahaan-ba ay geeryoodeen, isla markaana Dadka ku dhintay diyaarada ayaa gaaraya 157 ruux , waxaana ka mid ahaa liiska la shaaciyay qof Soomaali ah oo ku jiray rabaabka diyaarada :

Halkan ka aklhriso Liiska lagu dhawaaqay ee dowladdaha ay ka soo kala jeedeen rakaabka la socday diyaarada dhacday ee Itoobiya:-

32 Kenyan, 18 Reer Canada, 9 Itoobiyaan , 8 Shiinees, 8 Talyaani, 8 Ameerikaan, 7 Faransiis, 7 Ingiriis, 6 Masaari, 5 Jarmal ah, 1 baasaboor Qaramada Midoobay watay , 4 Hindi, 4 Slovakia, 3 Australia, 3 Ruush, 3 Sweden, 2 Spain, 2 Poland , 1 Indonesia, 1 Ireland , 1 Rwanda,  1 Sucuudiga, 1 Somalia , 1 Serbia , 1 Nepal , 1 Nigeria, 2 Morokaan , 2 Israaiiliyiin , 1 Biljim , 1 Ugandhiis, 1 Yemeni, 1 Sudaniis, 1 Togo

1 Muzambiik , 1 Norway.

Dadka ugu badan ee diyaaradan ku geeriyooday ayaa ka soo jeeda dalka Kenya oo la sheegay in ay uga dhinteen 32 qof, Canada ayaa ku soo xigta oo la sheegay in ay uga dhinteen 18 ruux.

Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed oo markii ugu horeysay ka hadlay warka ku saabsan burburka diyaarada ayaa u tacsiyeeyay qoysaska dadkii ku dhintay burburka diyaarada.

 

 


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here