“Ma dhacayso in dad siqraamiin ah ama khamriyo cab ah (Beesha Garxajis),inay noo taliyaan. Uma dul qaadanayno In la burburiyo Somaliland. Dadka Qurbaha Laga Soo Abaabulay Tiraddooda Iyo Magacyada..”

0
854

Hargeysa,(Baraarugnews.net)- Wasiirka Wasaaradda maaliyada xukuumadda Muuse Biixi Yuusuf Maxamed Cabdi, ayaa jeediyey hadalo u dhacayey in xukuumaddii kornayl Muuse Biixi  ay soo food saareen dagaalo jabhado qabiilo oo halis ku ah burburin-karana xukuumadda Biixi ee isu-badeshay xaafad 26-juun iyo Gabiley, isla markaana wiilkan Muuse Biixi Habar-wadaaga yihiin ee Maaliyada Yuusuf ayaa sida ciyaal suuqa oo kale u caayey Saraakiil ka tirsan ciidanka qaranka  Caare iyo qaar kale oo ka goostay, una galay maamulka Puntland.

“Waxaynu ku jirnaa qarnigii 21-aad. Sannadku waa 2018-ka. Ma dhacayso, suura galna maaha dad siqraamiin ah ama khamriyo cab ah (Beesha Garxajis),inay noo taliyaan oo yidhaahdaan maamul-goboleedka puntland ayaanu tegaynaa oo dalka Somaliland ayaanu soo weeraraynaa ma dhacayso, Way dhamaatay. Xilligan waa xilligii ay talinayeen aqoonta, culumada iyo wax garadku. Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu hormuud u yahay wax qabad dhab ah in la gaadhsiiyo dalka oo dhan. Uma dul qaadanayno in khalkhal la galiyo nabada. Uma dul qaadanayno in qaab qabiil la isu-abaabulo, markaa waxaas oo dhan wax suurta galaaya maaha. Waxaan farayaa Qurba-jooga reer Somaliland, hore ayey u soconaysaa Somaliland. U dul qaadanmayso(Xukuumadda Muuse Biixi), in baraha bulshada in dadka laga soo abaabulo inamo yar-yar oo Yurub jooga magacyadooda iyo liisaskooda waanu haynaa, lacagta caydha ah ee ay qaatana waanu og nahay. Dalalka ay ka qaatana diyaar uma aha inay  burburiyaan Somaliland oo hadh iyo habeen waa kuwa caawiya Somaliland. Shuruucda u yaala Yurub iyo maraykan ma ogola in dalalka la burburiyo.”Sidaa ayuu yidhi Wasiirka maaliyada xukuumadda Somaliland Yuusuf.

Baraarugnews.net Iimeel:- Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here