Ma waddooyin duugiyo Doox iyo qubuur baa?

0
64
Ma waddooyin duugiyo Doox iyo qubuur baa?
(Baraarugnews,net)-Nin ajaanib ah oo aanu wada shaqayno, in badana magaaladayda aan u ammaani jiray, faan been iyo run ahna aan isugu daray baa anigoo maanta sawiradan eegaya isoo ag maray, intuu eegay buu markiiba jeestay, isagoo naxsan buu igu yidhi:
“Inanyahay dulaysani
Dalka aad ku faantaa
Ma waddooyin duugiyo
Doox iyo qubuur baa?
Dadka aad ku tookhdaa
Ma bilaa damiir baa ?
Ubadkiinan daalanee
Darbiyada dul jiifeee
Diihaalka la siqayaa
Ma duriyadaa baa ?
Hoogtaye darmaanyahay
Waxaan dooni jiray abid
Inaan kula dalxiisoo
Deris kula ahaadee
Degal baanad ii hayn
Caloolahan dilaaciyo
Carruurahani daayacan
Doog iyo naq maahee
Ha I gaynin daranyada”.w/q/Amaal Maxamed kastam

Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here