“Maafiyadii qaranka Somaliland  dhiiga ka jaqaysay”

0
326

Hargeysa, (Baraarugnews.net)- Maafiyadii qaranka Somaliland 7-da sanno dhiiga ka jaqaysay, ayaa shalay iskugu tagay imaaraadka carabta, kuwasoo halkaa kusoo metelaayey Ruwaayad cusub,  oo ay is leeyihiin ku deda fadeexadaha Siyaasada arimaha dibada oo ay ku bedesheen mashaaric, isla markaana albaabada ugu soo xidheen aqoonsi raadintii Iyo qaranimadii Somaliland mudada dheer usoo halgamaysay.

Waftiga waxa hoggaaminaayey Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Saylici Iyo Wasiirka arrimaha dibada Sacad Cali Shire, Faysal Cali Waraabihii afarta cisho ka hor la fadhiyey Madaxweynaha Somaliya Farmaajo, isla markaana kasoo qaatay lacag ka badan boqolaal kun oo Dolar. Kooxdani waxay halkaa xadhiga kaga soo jareen qorshe indho sarcaad ah, oo bulshada Somaliland lagu jaho wareerinaayo ee maalgelinta Mashaaricda Imaaraadku ka fulinaayo Somaliland loo soo marinayo xaafiska Wakiilka Somaliland u fadhiya Imaaraadka Baashe Moorgan. Kaasoo lagu musuq-maasuqaayo Lacagta Saldhiga Miletary ee Berbera iyo Wadaadii Berbera kooridhol.

Sidaasna waxa lagu sheegay Warar laga helay ilo diblumaasiyadeed oo u dhuundaloola mandaqada iyo khaliijka Carabta.

Wararka ayaa dibada soo dhigay in Safiir Baashe Morgan iyo Wasiir Sacad Cali Shire markale samaysteen acoun labaad oo imaaraadku ku shubaayo Bishii walba dhaqaale Malaayin dolar. Lacagtaas oo ah midda saldhiga iyo caawimo gooniya oo Imaaaraadku ka taakulaynaayo Somaliland.

Sidoo kale waxay Wasiir Sacad Cali Shire iyo Safiir Baashe Morgan Dubai kusoo jiilleen film ay ugu talo galeen inay ku asturaan fadeexadaha dul hoganaaya Siyaasada arrimaha dibada oo aan geedna haysan, isla markaana ay kusoo ururiyeen dilaalista Mashaaricda Imaaraadka Iyo musuq-maasuqa dhaqaalaha dalka lagu soo caawiya oo isna ku dhaca jeebabkooda.

Film kan waxa sidii cadada u ahayd lasoo jilaya Dilaalka Khaayinul wadan Faysal Cali Waraabe oo ah Tuuga ugu weyn ee Somaliland lagu soo habaaray, sidoo kale waxa qorshahan dalka lagu dhacaayo ee khiyaamada casriga ah, waxa isna Shaambada u sita Madaxweyne ku xigeenka Saylici, dhamaantood intaa Dubai dalka kusoo baadhanaysaa waa Dawladda hore ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Hase-yeeshee bulshadu waxay indhaha ku haysaa qaabka uu maafiyadda dalka uga qabto Madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi oo ay kooxdaasi Xukuumadiisan Shaambad madow ku noqdeen, isla markaana dileen sumcadii aaminaada ahayd ee lagu doortay.

Baraarugnews.net Iimeel:- Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here