“Maalin dhawayd innan (Gabadh ilmaadeer yihiin Muuse Biixi), oo habaryar ii ah  oo la yidhaahdo Faysa ayaa igu tidhi, maxaad Habaryar ka doontay Farmaajo. Haddii uu sida gabadhaa yar u fekero oo aanu u fekerin siddii Madaxweyne. Ogolaan mayno innaad Madaxweyne ka sii ahaato Somaliland Muuse Biixow..”

0
101

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ee xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka yaabay hadalada aan miisaanka laheyn ee ka soo yeedhaaya kornayl Madaxweyne Muuse Biixi, isla markaana Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay aqoon darada iyo nidaamka dawladeed ee aanu mid ka garanayn Muuse Biixi ee la daaladhacaaya hogaaminta dalka Somaliland.

“Maalin dhawayd innan (Gabadh ilmaadeer yihiin Muuse Biixi), oo habaryar ii ah  oo la yidhaahdo Faysa ayaa igu tidhi, maxaad Habaryar ka doontay Farmaajo. Haddii uu sida gabadhaa yar u fekero oo aanu u fekerin siddii Madaxweyne, waxaanu leenahay ku ogolaan mayno innaad Madaxweyne ka sii ahaato Somaliland Muuse Biixow. Talada dalka waa la wada leeyahay oo aad kaligaa aad goyn Karin. Shirkii wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya shir qaran oo Golayaasha Guurtida, Wakiilada iyo saddexda xisbi qaran ayuu ahaa.Kaligay….kaligay… kaliga ayaa talinaaya Waddankan iyo ummadan lagu wadimayo. Haddii aad talada qaadan (Muuse Biixi),waa lagaa tashan doonaa.”Sidaa ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha UCID oo warbaahinta manta kula hadlay magaalada Hargeysa, wuxuu intaa ku daray oo uu yidhi,“Wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya waa la bilaabayaa. Muddo badan ayey wada hadleen Muuse Biixi iyo farmaajo. Mar ay Jabuuti isugu yimaadeen ayaa lay soo diray. Waddanka laguma wado caadifad. Hogaanka kalmada afkiisa ka soo baxda waa inay tahay mid laga tashaday. Waan naxay markii la yidhi waxaanu waraysanaynaa yarkii yaraa ee Afhayeenka ahaa Maxamuud Warsame aad iyo aad ayaan uga naxay.”

Xafiiska wararka Baraarugnews.net

Kala Xidhiidh EMIAL:-Caarshe7@hotmail.com

Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here