Maamul-goboleedyada Soomaaliya Oo Hogaaminayso Puntland Ayaa Weerar Cad Ku Soo Qaaday Siyaasada iyo Xidhiidhka Beesha Caalamka la leedahay SOmaliland

0
694

Muqdisho,(Baraarugnews.net)- Maamul-goboleedyada ka dhisan Dawladda Faderaalka koonfurta Soomaaliya, ayaa isu-baahaystay sidii loo wiiqi lahaa siyaasadda arrimaha dibada Somaliland iyo xidhiidhka ay beesha caalamka la leedahay, isla markaana maamulada ay ka taliyaan ama  maamul-goboleedada madaxweynaha ka yihiin beesha Daarood oo hogaaminayso maamulka Puntland ayaa ololo-weyn ugu jira inay beesha caalamka ka dhaadhiciso inay Somaliland la mid tahay maamul-goboleedyada ka dhisan ee hoos-taga dawlada faderaalka ee Madaxweyne Farmaajo.

Dowlad goboleedyada kala ah Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Galmudug, ayaa si wada jir ah u soo saaray qoraal ay kaga hadlayaan in deeqaha caalamku siiyo dawladda Somaliland, loona baahan yahay in la mariyo  dowladda faderaalka Soomaaliya. Balse War qoraal ah oo ay soo saareen dowladaha xubnaha ka ah dowladda Soomaaliya waxay ku sheegeen inaysan aq-bali doonin maamul si gaar ah loola macaamilo ayna Soomaaliya kala googoyny, oo deeqaha loo maro hanaanka federalka soomaaliya.

Halkan hoose ka akhriso waraaqda ay soo saareen maamul-goboleedyada soomaaliya oo aanu idinku soo gudbinayno waraaqda ay beesha Caalamka u direen ee ay soo saareen.


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here