Maamulka Warbaahinta Baraarugnews.net Oo Ka Raali Galinaaya War Si-khaldan Caawa Looga Baahiyey Shirkadda Indho-deero Guruub

0
385

Hargeysa, (Baraarugnews.net)-Warbaahinta Wakaalada Baraarugnews.net waxay ka raali-galinaysaa Shirkadda Indho-deero Guruub, war  farsamo ahaan si-khaldan looga baahiyey shirkadda Indho-deero Guruub, isla markaana waxaanu ka raali galinaynaa Gudoomiyaha shirkadda Indho-deero Mustafe Cabdi Cawad warka lagu baahiyey caawa shabakada Baraarugnews.net oo ku saabsanaa in shirkadda indho-deero hub iyo rasaas ku caawisay beelaha ku dagaalamay ceel-afweyn oo ahaa mid lagaga been abuuray shirkadda Indho-deero Guruub, o farsamo ahaan si khaldan looga baahiyey shirkadaa ayaa maamulka warbaahinta Baraarugnews ka raali galinaysaa khaladka dhacay ee warkaas lagu baahiyey, laguna dilayey sharafta shirkada Deero oo mar labaad aanu ka raali galinayno warkaas oo si khaldan ugu soo baxay shabakada Baraarugnews.net.

Waxaanu ka codsanaynaa maamulka shirkadda iyo Guddoomiyaha guud ee Indho-deero Guruub inay raali ka noqdaan warka laga faafiyey shirkadda Indho-deero oo farsamo ahaan si khaldan ugu soo baxay shabakada Baraarugnews.net, isla markaana warkaas oo lagu waxyeelaynayey ganacsiga shirkadda Indho-deero  Guruub. Taasoo ciddii ka faafisay warka shirkadda Indho-deero oo si khaldan ugu soo baxay shabakada Baraarugnews.net  maamulka shabakada Baraarugnews.net oo arrintaas ciddii la heyd masuuliyadeeda aanu talaabo ka qaadayno haddii alle yidhaahdo. Laakiin aanu ka raali galinayno shirkadda warkaas oo farsamo ahaan khalad dhacay ahaa talaabana laga qaadi doono ciddii masuuliyadaas la hayd.


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here