“Maanta  jaaliyada beesha Garxajis gaar ahaan Habaryoonos waxay ka wadaan qurbaha iyo dalalka qaarada Yurub burburka guud ahaan nabadgelyadii gudaha ee Shacabka Somaliland.”Gudd. Ibraahin Caydiid

0
292
Bulshada Jaaliyada Qaarada Yurub Ee Reer Somaliland Oo Si-weyn Uga Soo Horjeestay Koox Sheegtay Inay Yihiin Guddiyada Isku Xidhka Qurba-jooga Bulshada Reer Somaliland Ee Degan Dalalka Yurub
Bulshada Jaaliyada Qaarada Yurub Ee Reer Somaliland Oo Si-weyn Uga Soo Horjeestay Koox Sheegtay Inay Yihiin Guddiyada Isku Xidhka Qurba-jooga Bulshada Reer Somaliland Ee Degan Dalalka Yurub

Uk,(Baraarugnews.net)-Mid ka mid ah qurbajooga jaaliyada reer Somaliland eek u dhaqan qaarada yurub oo magaciisu yahay Kamaal Jamaal Cabdi, ayaa bartiisa uu ku leeyahay baraha bulshadu ku wada xidhiidho ee loo yaqaan facebuug ku baahiyey qoraal kooban oo uu kaga hadlay xidhiidh xog waraysi ah oo ku dhexmaray isaga iyo xubinta isku magacaw-day Guddoomiyaha ururka la yidhaahdo midnimada qurbajooga reer Somaliland ee dalalka Yurub, ayaa cadeeyay, innuu afkiisa ka hayo macluumaad marqaati iyo cadayn u ah xogtii ay baahisay xalay shabakada Baraarugnews,net eek u saabsanayd in ay tahay kooxdan ururka midnimo ee jaaliyada Yurub ee reer Somaliland  laga soo abaabuleen Muuse Biixi iyo Beeshiisu ka soo waarideen una rarer qabyaalada ka aloosan gudaha  magaalada Hargeysa u tahriibiyeen dhinacii jaaliyadaha ku dhaqan dalalka Yurub-na dagaal ka dhex-riday.

Kamaal  Jamaac oo waydiiyey Ibraahin Caydiid su’aal  aheyd midnimada jaaliyada qurbaha eer reer somaliland maxaa maanta keenay, iyagu ma joogaan dalkii ee maxay tahay ujeedada idin ku kalifay ururkan midnimada somaliland?“Mar aan waraysi aan la yeeshay oo isaga iyo aniga na dhex-maray  Gudoomiyaha ururrka isku magacaabay mid-nimada jaalada dalalka Yurub ee reer somaliland. Waxaan waydiiyey su’aal u dhacaysay maxaa idinku kalifay inaad samaysaan  ururka aad ku sheegteen kooxdiina guri intaad fadhiisateen ku dhawaaqay ururka la magac-baxay mid-nimada somaliland?
J. Wuxuu ku jawaabay sidan”Wxaanu doonaynaa oo aanu aas-aasnay ciwaano iyo magacyo aanu ku samaynay Facebuugyo kala duwan oo aanu isugu keenayno burburka iyo kala taga ku dhacay shacabka reer Somaliland, markaa waad aragtay halka uu marayo dalkii Somaliland iyo xaalada khatarta ah eek u gadaaman guud ahaan nabadgelyadii iyo dawladdii aynu laheyn ee Somaliland,”sidaa ayuu yidhi waraysigii nagu dhexmaray daaqada facebuuga oo aan ku wada xidhiidhnay iyo waraysigii koobnaa ee halkaa nagu dhexmaray aniga iyo Guddoomiyaha ururka isku magacaabay midnimada SOmaliland

Wuxuu intaa ku daray oo sii raaciyey sidan “Horta walaal, anigoo magacaygu yahay Ibraahin Caydiid qurbajooga jaaliyada reer Somaliland ee dalalka Yurub ayaa iga dhigatay gudoomiyaha ururka midnimada jaaliyada Somaliland marka hore. Maanta waad og tihiin in jaaliyada ka soo jeeda beesha Garxajis gaar ahaan Habaryoonos waxay ka wadaan qurbaha iyo dalalka Yurub burburinta dawladda Somaliland ee Muuse Biixi hogaamiyo. Markaa waxay beesha caalamka gaadhsiiyeen fariimo iyo waraaqo muujinaaya dhibaato fool-xun iyo sumacad-xumo weyn  oo bixinaaya sawir muuqaalkiisu yahay in dawlada  ka jirta Somaliland tacadiyo iyo dhibaato ku haysto dadka rayidka ah eek u nool gudaha Somaliland. Dimuqoraadiyadii iyo xoriyadii hadalka iyo hayadaha xaquuqal iisankii oo la burburiyey oo cadaalad-xumo weyn iyo dulmi ka socdo dalkii. Muuse Biixi uu yahay kaliye taliye dhibaato ku haya shacabkii oo burburiyey dimuqoraadiyadii dalalka reer galbeedka. Dacaayado aad u fool xun iyo been abuur khatar ku ah dawladnimadeena Somaliland ayey u gudbiyeen, ayna wadaan taageerayaasha xisbiga Waddani iyo dadka lacagaha u ururiya jabhada Caare, markaa arrimahaa sidii wax looga qaban lahaa talaabana looga qaadi lahaa jaaliyada beeshaa rag iyo dumar-ba ku foogan dhibaatada xukuumadda Muuse Biixi. Talaabo ayaanu ka qaadayna dadka waxaas wada.”

Xafiiska email:-Caarshe7@hotmail.com or Baraarugnews@gmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here