Maareeyaha dekedaha somaliland oo faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey halka ay marayso dhismaha shirkada DP world ee Berbera

0
54

Hargeysa (baraarugnews.net)-Xukuumadda Somaliland oo Sheegtay in shan iyo Tobanka Bishan Shirkada Dp World Bilaabi doonto Dhismaha Dekeda cusub ee Berbera

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in shan iyo tobanka bishan aynu ku jirno ay Shirkada Dp World ay bilaabi doonto dhismaha dekeda Cusub ee Berbera.

Mareeyaha Dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi ayaa waxa uu sheegay in agabkii lagu dhisayay dekeda cusub ee Berbera uu soo gaadhi doono saddexda cisho ee soo socota dekeda Berbera,

Siciid Xasan Cabdilaahi oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi”Waxa aan u cadaynayaa Bulshada Somaliland in dhismihii dekeda cusub ee Berbera oo 400 mitir ahayd agabkii lagu dhisayay uu soo raranyahay saddexda cisho ee soo socota ayuu soo gaadhi doonaa dekeda Berbera,dad badan oo aan jeclaysan Horumarka Somaliland ayaa yidhaahda Dp World heshiiskii ayay ka baxday wax alaale wax jiraa majiro arintaas.waxaana aanu u aragnaa dadkaas cadawga Somaliland waxaana hawsha dhismaha dekeda cusub bilaamaysaa 15 ka bisha January,”.

Sidoo kale Mareeyaha Dekedaha Somaliland Waxa uu usoo jeediyay xusbiyada Mycaatadka in aanay siyaasadayn hawlaha ay qaranka u hyso dekeda Berbera.waxaana uu yidhi
Waxa kale oo aan ka hadlayaa xisbiga UCID oo masuuliyiinta Gobalka Saaxil usoo magacaabay shaqaale ka tirsan shaqaale waynaha dekeda Berbera,waxaana xisbiyada usoo jeedinayaa in aanay siyaasad ka dhex bilaabin dekeda Berbera,”.


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here