Maayarka Degmada Laascaanood Oo ku Xidh-xidhay Dhalinyaro Gobolka Sool &Ciidamada Booliska Laascaanood Oo Garaac Iyo Jidh-dil xun u gaystay &Cidda Ka Dambaysay iyo Sababta loo xidhay

0
617
Maayarka Degmada Laascaanood Oo ku Xidh-xidhay Dhalinyaro Gobolka Sool &Ciidamada Booliska Laascaanood Oo Garaac Iyo Jidh-dil xun u gaystay

Laascaanood,(Baraarugnews.net)Ciidamada booliska Somaliland ee -Magaalada Laascaanood, ayaa xabsiga ku guray oo xidh-xidhay dhalinyaro ka shaqaynaysay arrimo mutadawac-nimo ah oo iskaa wax u qabso ah, kuna saabsanayd  dhanka arrimaha bulshada ee degmada Laascaanood.Isla markaana

Maayarka Degmada Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taawarle, ayaa ka dambeeyay xadhiga dhalinyarada lagu xidh-xidhay gudaha magaalada Laascaanood.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in dhalinyarada ku dhaqan magaalada Laascaanood barnaamij ay ku midoobeen dhalinyarada degmada Laascaanood, laguna magacaabo Raad-reeb ayaa ciidamada  booliska Laascaanood ee Somaliland kula kaceen dhacdo aad u fool-xun iyo tacadi loogu gaystay dhibaato iyo waxyeelo la gaadhsiiyey dhalinyarada ka shaqaynaysa  caawinta iyo horumarka shacabka ku dhaqan magaalada Laascaanood, isla markaana maayarka degmada magaalada Laascaanood, ayaa la sheegay innuu lahaa masuuliyada amarka ciidanka boolisku ku xidhxidheen dhalinyarada oo lagu xidhay saldhiga laascaanood.

Maayarka Dawladda Hoose ee Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taawarle, ayaa la sheegay innuu  kula kacay dhalinyarada Wax aad looga xumaado, isagoo joojiyey Maayarku barnaamijkii dhalinyaradu ugu magic dartay  Raad-reeb, kaasoo iskaa wax u qabso ah ay ku dhisayeen wadooyinka iyo dhanka nadaafada bilicda iyo fayadhawrka caafimaadka bulshada Laascaanood.Balse dhalinyarada as oo la sheegay in iyadu iskeed isu-xilqaamay, sidii ay uga faa,iidayn laheeyeen shacabkooda, wax lacag ahna lagu siin ayaa Ciidamada Booliska Laascaanood Maayarku ku dalbaday, kuwaasoo ciidanka boolisku u gaysteen dhalinyarada garaac iyo jidh-dil aad u fool xun oo askarta boolisku ku garaaceen qori dabadii iyo budhadh, isagoo Maayarka Dawladda Hoose ee magaalada Laascaanood ka dambeeyay tacadiyada , garaaca, dilka iyo xadhiga ay kula kaceen ciidanka booliska Laascaanood dhalinyarada ka shaqaynaysay iskaa wax u qabso mutadawac-nimada ee barnaamijka  dhalinyaradu ugu magacdareen Raad-raac ee arrimaha horumarinta bulshada ku dhaqan Magaalada Laascaanood.

Sidoo kale, Maayarka Degmada Laascaanood, ayaa la sheegay intuu xilkaa hayey gabi-ahaan-ba aaney jirin wax la taaban karo oo dawlada hoose ee degmada Laascaanood ka qabteen magaalada Laascaanood,isla markaana saddexdii sano ee u dambeeyay Golaha deegaanka degmada Laascaanood ayaa isu-badelay dilaal iyo boobka lagu dhacayo dhulka Laascaanood, taasoo sababtay in muran iyo dagaal ka dhex-dhasha shacabka, oo sababa khasaare nafeed ay masuul ka aheyd Maayarka iyo koox xildhibaano ka tirsan dawlada hoose ee degmada Laascaanood.

Geesta kale, Maayarka Degmada Laascaanood oo isku daynay in aanu arrintan wax ka weydiino sababta uu u xidh-xidhay dhalinyarada oo aanu kula xidhiidhnay khadka telifoonka gacanta, laakiin nasiib daro noomay suurta galin telifoonkiisa gacanta oo uuq aban waayey.

Haddaba arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli  uu hore Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa la sheegay innuu waraaq ka soo saari doonta joojintii barnaamijkii raad reeb  dhalinyarada Iskood isu abaabulay inay ku horumariyaan wadooyinka halbawlaha u ah magalada laacaanood, isla markaana waxa la sheegay in Maayarka Laascaanood warbixin been abuur ah uu ka gudbiyey dhalinyaradan, kuna sheegay wax kale in ay ku hoos qarinayaan barnaamijka raad-reeb.Email:-Bararaarugnews@gmail.com

Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here