Madax-dhaqmeed Ka Soo Jeeda Somaliland Oo Si-xun Loogu Bahdilay Magaalada Garoowe ee Puntland &Maxaa Ku Cusub Dagaalka Ka Dhex-taagan Somaliland Iyo Puntland Ee Tukaraq?

0
4044

Garoowe,(Baraarugnews.net)-Madax-dhaqmeed Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u diray maamul-goboleedka Soomaaliya ee puntland, ayaa waji gabax iyo fashilaad weyn kala kulmay Isimada beesha leh maamulka Xaruntiisu tahay Garoowe ee Puntland, Isla markaan Madax-dhaqmeedka Muuse Biixi Cabdi diray ayaa la sheegay inay qayb ka ahaayeen rag ganacsato ah oo magaalada Hargeysa, si qarsoodiya Madaxweynaha Somaliland uga ababixiyey, sidii ay Madaxweynaha Puntland Cabdi weli Gaas uga codsan lahaayeen innuu joojiyo dagaalka u dhaxeeya ciidamada qaranka Somaliland iyo ciidamadiisa Puntland ee dhawrka jeer dagaalo ku dhex-mareen deegaanka Tukaraq ee isku horfadhiyaan labada ciidan ee maamulada Somaliland iyo Puntland.

Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen Nuur, Suldaan Maxamuud Guuleed Mire iyo Oday Axmed Bide iyo Ganacsadaha Jamaal Caydiid iyo xubno kale oo la sheegay inay la socdaan ayaa ergay nabad ahaan u tagay magaalada Garoowe, Balse Ergaydaa ayaa la sheegay innuu diray Madaxweyne Muuse Biixi si ay wada hadal iyo dhex-dhexaadin, si ay dagaalka Tukaraq u joojiyo Madaxweynaha Puntland Cabdi Welo Gaas kala soo hadlaan colaada ka taagan Gobolka Sool.

Geesta kale, Warbaahinta Puntland, ayaa shaacisay goor dhawayd in Ergadii Madaxdhaqmeedka iyo ganacsatada u yimi magaalada Garoowe ee ka socday dhinaca Dawladda Madaxweyne Muuse Biixi oo waday dedaalo nabad raadin ah inay fashilmeen, ka dib markii Isimada puntland ku xidheen shuruud ah inay dhamaan ciidamada Somaliland eek u sugan Tukaraq laga qaado, lagana saaro Gobolka Sool.

Siyaasiyiin uu ka mid yahay Madaxweynihii hore ee Puntland Faroole, ayaa la sheegay innay dedaalo badan ku bixiyeen, sidii ay u guulaysan laheyd arinta loo soo diray ergada madax-dhaqmeedka ganacsadaha ka socday Dawladda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, isla markaana Ergada uu diray Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay inay Kulan hoose oo ay la qaateen Cabdi weli gaas iyo Isimada Garoowe u soo jeediyeen in la kala joogo oo aan la isu-soo dhaafin halka ay kala fadhiyaan ciidamada Somaliland iyo ciidamada Puntland oo kala ah Tukaraq iyo God-qaboobe. Taasoo la tilmaamay inay ku gacansaydheen Isimada iyo maamulka Puntland dalabkaas ay soo jeediyeen ergada Muuse Biixi diray oo laga qariyey shacabka reer Somaliland iyo xisbiyada mucaaridka ee UCID iyo Waddani.

Baraarugnews.net Iimeel:- Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here