Madaxda Iyo Khubaro Ka Tirsan Sirdoonka Dalalka Qadar Iyo Carabta Oo Kulamo Qarsoodiya La Leh Dawlada Soomaaliya &Maxaa Uga Meel Yaal Xukuumada SOmaliland

0
344
Madaxda sirdoonka soomaaliya

Muqdisho,(Baraarugnews.net)-Xubno ka mid ah madaxda Sirdoonka dalalka Carabta ayaa maanta yimi magaalo madaxda dawlada Soomaaliya ee magaalada  Muqdisho, isla markaanaWufuudan ayaa la sheegay inay ka tirsan yihiin Sirdoonka dowladahaa carabta, iyagoo kulamo kala duwan la qaadanaaya madaxda dawladda madaxweyne Farmaajo iyo Ha’yadda Sirdoonka Soomaaliya.

Wafdiga Sirdoonka Sudan ayaa la sheegay inuu horboodayo Taliyaha Hay’adda Sirdoonka dalkaasi Lt Gen. Salah Abdalla Mohamed (Saleh Gosh), halka Sirdoonka Qadar ay yihiin khubaro ka socda Hay’adda Sirdoonka dalkaas.

Lt Gen. Salah Abdalla Mohamed Saleh oo ah sirdoonka Carabta,waxa ku qaabilay magaalada Muqdisho, dhiggiisa Somalia Xuseen Cismaan Xuseen oo ah Taliyaha Nabad Sugidda iyo Sirdoonka dawlada Soomaaliya.

Qoraal kooban oo lagu baahiyay barta Twitter-ka ha’yadda nabad-sugida Sirdoonka dawlada Soomaaliyaee ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho, ayaa lagu xaqiijiyay imaanshaha madaxa Sirdoonka Dalka Sudan, isla markaana ay weheliyaan Khubarada Sirdoonka Qadar oo kasoo horeeyay kuwa Sudan ayaa iyaguna la xaqiijiyay inay la kulmeen dhigooda Somalia oo ay kala hadleen wada shaqeyn dhexmari doonto labada Sirdoon ee dawladaha Qadar iyo Soomaaliya.

Dowlada Somalia ayaa dhawaan isbedel ku sameysay maamulka Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Somalia, taa oo ugu wacan qulqulka Sirdoonka Dowladaha Carabta oo iyagu u muuqda kuwo heysta fursado wada shaqeen.

Ma cadda qorshaha Sirdoon ee labada dal, waxaase soo baxaaya warar sheegaya in Sirdoonka Qadar ay la wareegi doonaan mushaaraadka Hay’adda NISA ee Somalia, halka Sudan ay caawin doonto Somalia.

Geesta kale,sirdoonka Somaliland, ayaa la sheegay inay ku shaqeeyaan aqoontii hore ee gabawday ee aan lagu samayn dib u habayn la jaan qaadi karta tiknoolajiyada casriga ah ee maanta sirdoonka dawladaha geeska afrika iyo carabta iyo caalamku adeegsadaan.


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here