Madaxweynaha Cusub ee Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya Axmed Cabdi Sheekh  Walaashii (Seedig),Ma Waxa Qaba Madaxweynihii  xilka Iska casilay Cabdi ilay?

0
866

Jigjiga, (Baraarugnews.net)- Waxaa Madaxweynaha cusub loo magacaabay Axmed Cabdi Sheikh Maxamed oo ahaa Wasiirkii Maaliyadda Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, isla markaana Madaxweynihii dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa caawa fiidkii is-casilay, ka dib markii maalmihii u dambeeyey Qulqulatooyin ka socdeen magaalada Jigjiga ee xarunta dawlad-deegaanka oo ay Millateriga Federaalka Itoobiya la wareegeen, waxaana Xilkaas si ku-meel-gaadh ah loogu magacaabay Madaxweyne Cusub.

Is-casilaadda Madaxweynaha, ayaa timi ka dambeysay ka dib markii Millitariga federaalka  Itoobiya loo daabulay magaalada Jigjiga iyo deeganno ka tirsan Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, iyada oo Jigjiga ay ka dhaceen dhibaatooyin sababay dhimasho iyo dhaawac iyo in hantidii magaalada badi la bililiqaysto, Dad badanina ka qaxeen Jigjiga.Balse Madaxweynaha Cusub ee loo magacaabay ismaamulka dawlad-geegaanka Soomaalida Itoobiya Axmed Cabdi Sheekh Maxamed waxa qaba walaashii Madaxweynihii xilka iska casilay Cabdi ilay oo seedigii ayaa loo magacaabay Madaxweynaha ismaamulka soomaalida Itoobiya.

Waxaa la rumaysan yahay in Cabdi Maxamuud Cumar ay cadaadis ku saartay dowladda dhexe inuu xilka iska casilo kaddib markii dibadbaxyo ay ka dhaceen halkaasi iyo dagaallo dhexmaray qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada.

Madaxweynaha cusub ee dowlad-deegaanka Itoobiya Axmed Cabdi Maxamed, ayaa sidoo kale BBC-da u sheegay in Madaxweyanaha xilka ka degay Cabdi Maxamuud Cumar  caafimaadkiisu wanaagsan yahay, isla markaana uu badqabo. Wuxuu sidoo kale in Cabdi Maxamuud Cumar weli yahay Madaxa Xisbiga ka arrimiya dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Baraarugnews.net Iimeel:- Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here