Madaxweynaha Dawladda Jabuuti Oo Bahdilay Xukuumadda Kornayl Muuse Biixi &Faddeexadda Soo Gaadhay Dawlad-nimaddii Shacabka Reer Somaliland

0
754
Kornayl Muuse Biixi Iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle

Jabuuti,(Baraarugnews.net)-Dawladda Jabuuti, ayaa joojisay in dadka sita Baasaboorka Somaliland aaney soo gali Karin dalka Jabuuti, isla markaana waxay joojiyeen dadka ka taga gudaha Somaliland inay ku soo galaan Baasaboorka Somaliland.

Kornayl Muuse Biixi Iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle

Xoghayaha Xisbiga ugu weyn mucaaridka dalka Jabuuti  ee MRD, Mud Jaamac Xuseen Rooble, ayaa cadeeyay in laga madnuucay dalka Jabuuti in lagu soo galo Baasaboor Somaliland ah, Balse Madaxweynaha Kornayl Muuse Biixi iyo siyaasiyiinta beeshiisa ayaa aqaab indho la’aan ah ugu hiiliya ama u taageera dawladda Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, taasoo sabab u ah haweenayda uu qabo Madaxweynaha Jabuuti oo beel ahaan ka soo Jeeda Beesha Sacad Muuse oo inaadeertii weeye Kornayl Muuse Biixi oo gacanta ay ku hayso Khadra aqalka Madaxtooyada Hargeysa oo ay maamusho haweenka Muuse Biixi qabo ee labadiisa Marwo.“Waan maqlay arrinkaasi baasaboorrada ee laga soo laabay ee waraaqaha loo diray safaaradahii adduunyada, oo la leeyahay ma soconayaan baasaboorradii aanu siinay dadka Soomaaliya iyo kuwa Somaliland labadaba. Kolkaas waxa masuul ka ah kolay sidaan qabo dawladda jabuuti iyo ragga madaxda ah ee ka tirsan, oo kolay kuwan la siiyay Soomaalidu waa dadkeenii, waxa jira kuwa kale oo badan oo la bixiyey, balse waxaannu ka ognahay ma jirto, waxase igu maqaalo ah, qolada Somaliland in waxa la siiyay baasabooro Dubia ah. Kolay annagu shaqo kuma lihin oo qolyooyinkaa socdaalka iyo laamaha dawladda ayaa ku shaqo leh arrintaasi.”Sidaa wuxuu ka yidhi Xoghayaha Xisbiga ugu weyn mucaaridka dalka Jabuuti  ee MRD, Mud Jaamac Xuseen Rooble Waraysi uu siiyey TV-ga Bulsho.

Caarshe7@hotmail.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here