Madaxweynaha Dawladda Puntland Oo Gudaha U Soo Galay deegaano Ka Tirsan Xaduudka Somaliland &Muuse Biixi Oo Muran La Soo Taagan Huteelada Xaafada Jigjiga-yar Ee magaalada Hargeysa

0
349

Dhahar, ,(Baraarugnews.net)-Madaxweynaha maamul-goboleedka soomalaiya ee  Puntland Siciid Dani oo Wafti balaadhan hogaaminaaya ayaa maanta socdaal ku yimi deegaano ka tirsan gobolada gudaha Somaliland, isla markaana hogaanka dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, ayaa ku soo dhaweeyey deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag ee bariga Somaliland.

Madaxweynaha Puntland Siciid Dani iyo Wefdiga ku wehelinayey socdaalka, ayaa safarkoodan markii ugu horaysay ku yimi  degmada Dhahar oo ka tirsan Gobolka Sanaag, balse Madaxweynaha Puntland, Siciid  Deni, ayaa khudbad  u jeediyey bulshada ku dhaqan magaalada Dhahar, isagoo ka hadlay horumarka Puntland, si gaar ah mashaariicda xarumaha waxbarasho dowladdiisu ka hirgelinayso degmada Dhahar.

Madaxweynaha Puntland, ayaa u sheegay shacabka ku dhaqan deegaanka Dhahar in dawladdiisu dhisayso Wada laami ah oo isku xidhta  Magaalooyinka Sheerbi, Dhahar  iyo illaa Xingalool, isagoo halkaasna kaga dhawaaqay hirgelinta xarumaha dowlada Puntland ee degmada Dhahar oo hore wax xafiisyo maamulka Puntland matela oo ka jiray  magaalada Dhahar may jirin.

Geesta kale, intii Madaxweyne Muuse Biixi uu talada kala wareegay madaxweynihii hore ee xilka ka degay ee Somaliland Axmed Siilaanyo, waxa faraha ka baxay meelo deegaano iyo degmooyin hoos yimaada oo ka tirsan Gobolka Sanaaga ee bariga Somaliland, isla markaana maamul-goboleedka soomalaiya ee Puntland ayaa gacan ku haynta deegaanada dhanka bari ka xiga magaalada Ceerigaabo kala wareegay dawladda Muuse Biixi, iyadoo deegaan ka tirsan dhulka xaduudka somaliland ee Gobolada bariga  Sool iyo Sanaag oo hore uga talin jireen xukuumaddihii ka horeeyay maamulka Muuse Biixi ee madaxweynayeyaashii Daahir Riyaale iyo Axmed Siilaanyo, ayaa wakhti xaadirkan ka baxay gacanta Somaliland, oo u gacan galay dawlada madaxweynaha Puntlabd Siciid Dani Degmada Badhan oo hore gacanta ugu haysay dawlada Somaliland, laakiin maanta dawlada Puntland ayaa ka talisa, waxaana muuqda in ay soo ururayso dawladnimadii SOmaliland.

Hese  yeeshee, Madaxweyne Muuse Biixi iyo Wasiirkiisa Maxamed Kaahin ayaa muran iyo hadal la soo taagay huteelada magaalada Hargeysa, isla markaana wakhti xaadirkan ayaa waxa is badel iyo hoos-u-dhac weyn ku yimi dhanka nabadgelyada gudaha Somaliland oo walaac xoogan ay ka muujinayaan shacabka reer Somaliland.

Emial:- Baraarugnews@gmail.com

Caarshe7@hotmail.com

 


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here