Madaxweynaha Inantiisa Hodan Muuse Biixi Oo Ku Tilmaantay Madaxweynihii Hore Axmed Siilaanyo Asaasaq Caruur Iyo Dumar u talinayeen Dawladiisii, Kuna Eeddaysay Inay Boobeen Hantidii Shacabka Reer Somaliland &Aabbaheed Muuse Dhaxlay Dawlad Qoorta Laga Jaray

0
6027
Sawirka Hodan Muuse Biixi Cabdi Baraarugnews.net
Sawirka Hodan Muuse Biixi Cabdi Baraarugnews.net

Hargeysa,(Baraarugnews.net)- Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Inanta uu dhalay ee lagu magacaabo Hodan Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku eeddaysay Madaxweynihii hore ee Axmed Siilaanyo in xukuumaddiisii boobtay dalka, isla markaana waxa ceeb iyo magic-xumo weyn in maanta Madaxweyne Muuse Biixi hablihiisii cayaan Madaxweynihii hore ee Axmed Siilaanyo oo ka dhigay aabaheed intuu xisbigiisii Kulmiye ka sharaxo kuna wareejiyey Madaxweyne-na ka dhigay Muuse Biixi inay cayaan caruurtii uu dhalay Axmed Siilaanyo ooh ore uga soo baxay isaguna xisbiga Kulmiye.

Hodan Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxa qaba oo gabadhiisii tahay Mustafe Mohamed Xasan Aden {Gacmadheere}, Balse Hodan Muuse Biixi oo ka hadashay hogaaminta Aabaheed Muuse Biixi oo qoraal ay ka qortay qaabka aabaheed maanta u hogaaminayo shacabka reer Somaliland waxay tidhi sidan:-

“Tan iyo markii aabahay Muuse Biixi Cabdi uu qabsaday talada wadanka Somaliland, waxa soo baxday dad beelo sheeganaaya oo qaylinaaya.iyagoo ku doodaaya in Aabahay xilalkii umadda oo uu u qaybiyay ama u badiyay reero gaar ah, taasoo Aabay qaabka uu u qaybiyey kiraasta dalka ay tahay mid cadaalad ah. Haddaba aniga oo ku kalsoon waayo aragnimada aabahay, isla markaana og inuu yahay qof talada loo soo jeediyo qaata waxan aamin sanahay inuu sidan wax ka badali doono ee wakhti ha nala siiyo oo ha naloo dul qaato.”Sidaa ayey ku sheegtay qoraal ay ku baahisay barahay bulshada ee Facebuuga ay isticmaasho Hodan Muuse Biixi Cabdi.

Hodan Muuse Biixi Cabdi oo uu qabo Mustafe Gacmadheere ayaa aflagaado iyo gef kula kacday xukuumaddii Madaxweyne AXMED Siilaanyo oo aabbaheed wax ka dhigay waxaanay tidhi sidan:-“Walaalayaal aabahay wuxu dhaxlay dal la xaalufiyay iyo dawladnimo qoorta laga jaray oo qaarka dambe ay kaga sii jirto, wuxuu dhaxlay wadan ay sideed sanno maamulayeen naago iyo carruur aabahood asaasaqay taasina waxay keentay in la boobo hantidii umadda ka dhaxaysay sida in dhulkii danta guud ahaa laga dhigto ganacsiyo iyo guryo gaar loo leeyahay haddaba xukuumaddan uu gadhwadeenka ka yahay aabahay muuse biixi cabdi waxan ugu baaqayaa inay soo celiso hantidaas umadda laga dhacay.

Ugu dambayntii aabo waxan ilaahay kaaga baryayaa inuu kaa dhigo kii fahma waaqaca iyo kala daadsanaanta jirta, isla markaana xooga saara sidii loo soo celin lahaa midnimada la burburiyey ee xukuumaddii hore ka tagtay.  Waan ogahay dad badan ayaa la yaabi doona una qaadan doona ixtiraam darro inaan aabahay macaan sidaan hadalka ugu dhigo, laakiin waxan u qaadan doonaa inay yihiin cadawga somaliland iyo cadawga qoysakayaga, waxaan u qaadan doonaa inay yihiin kuwo raba inuu aabahay ku fashilmo hogaaminta shacabka reer Somaliland,”Sidaa ayey tidhi Hodan Muuse Biixi Cabdi oo Axmed Siilaanyo ku tilmaantay asaasaq ay xukumayeen caruur iyo dumar.

Baraarugnews.netWariye:- Caarshe7@hotmail.con

 


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here