Madaxweyne Muuse Biixi Safarka Uu Ku Tegay Imaaradka Carabta Ma Wuxuu Ahaa Baahi Noloshiisa Ah, Mise Danaha Shacabka Reer Somaliland?

0
48
Madaxweynaha Somaliland ayaa Imaaraatka
Madaxweynaha Somaliland ayaa Imaaraatka

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Madaxweynaha Somaliland,Muuse Biixi Cabdi, ayaa Imaaraadka carabta ka codsaday inay lacag mushahar ah siiyaan iyo arimo kale oo ceeb ku ah jiritaanka iyo sharafta ummad shakhsi huwan masiir ummadeed iyo astaanta qaran madax-banaan ee hannaanka dawladaha kala duwan ee adduunyada guudkeeda, kana mid ka yihiin shacabka reer Somaliland ee ku dooda inay yihiin dawlad iyo qaran jira oo madax-bannaan dawladdaha geeska afrika iyo soomaaliya.

Wariye Cabdirisaaq Terra oo ah suxufi inta badan isagu wax ka qora arrimaha siyaasadda ka socota Somaliland iyo Soomaaliya iyo guud ahaan badaqada geeska afrika ee sannadahan ugu dambeeyay dabalaylaha is badelada ka dhacaaya qaarada afrika ka faalooda ama wax ka qora ayaa barta uu ku leeyahay baraha bulshadu ku wada xidhiidho ee Facebuugiisa ku faafiyey xog ku saabsan u-jeeddada socdaalka uu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ku tegay Imaaradka Carabka oo xafiiska wararka ee wakaalada Baraarugnews.net ka soo xigatay ayaa u dhignaa sidan:-“madaxweyne u sheegay inuu yahay Madaxweynaha Keliya ee ku shaqeeya Mushahar la’aan; sidaasi awgeedna imaaraatku wuxuu u qoray bishiiba mushahar dhan $30,000 “Soddon kun oo dollar oo keliya”, waxaa kaloo Madaxweyne Biixi codsaday in dawladu guri siiso, taasna waxaa lagu wargeliyey in dawladda hoose magaalada Abu Dubai warqad codsiya loogu qori doono.

Dhanka kale dhaxal sugaha Imaaraatka ayaa ka cudur daartay inuu la kulmo Madaxweyne Biixi.

Madaxweynuhu intuu joogay halkaasi wuxuu galay baadhis caafimaad oo indhaha iyo dheggaha ah.

Maalinta beri ahna waxaa la filayaa inuu dib ugu soo laaban doono Hargeysa

xigasho Wariye Terra


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here