Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo Oo Dhamaan Badelay ilaaladii Ciidamada Madaxtooyada Muqdisho Iyo…”

0
242
Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo Oo Dhamaan Badelay ilaaladii Ciidamada Madaxtooyada Muqdisho Iyo qabiilka
Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo Oo Dhamaan Badelay ilaaladii Ciidamada Madaxtooyada Muqdisho Iyo qabiilka

“Ciidamadii Eritereeya lagu tababaray….haddii Madaxweyne Farmaajo  colaad iyo dagaalo dalka oo dhan ah , sida Jubaland, Puntland Somaliland. Malaga filan-karaa inuu dalka dib u geliyo dagaal sokeeye?

Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo Oo Dhamaan Badelay ilaaladii Ciidamada Madaxtooyada Muqdisho Iyo qabiilka
Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo Oo Dhamaan Badelay ilaaladii Ciidamada Madaxtooyada Muqdisho Iyo…

Muqdisho,(Baraarugnews.net)-Mudane ka tirsan Aqalka Baarlamaanka Soomaaliya,ayaa sheegay in qorshayaal qarsoon iyo arrimo khatar ah uu maleegayo Madaxweynaha dawlada faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, isla markaana Xildhibaanka ayaa sheegay in dagaalo ay ku soo fool leeyihii shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa qoraal uu qoray, isagu ku faafiyey barta uu ku leeyahay baraha bulshadu ku wada xidhiidho ee Facebuugiisa, waxaanuu qoraalkaasi u dhignaa sidan.  “Ciidamadii ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya ee Ururka 60-aad ayaa laga wareejiyay amniga Madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo lagu badalay ciidamo laga keenay Gobolka Gedo. Waxa sidoo kale la kordhiyay tirada ciidamada ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya oo markii hore ahaa 600 ,hadana la gaadhsiiyay kun iyo lix boqol 1,600.

Ciidamada la badalay ayaa la soo shaqeeyay Madaxweyneyaashii hore Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh waxayna dhamaantood ka soo jeedaan Gobolka Banaadir iyo deegaanada ku xeeran. Horay ayaa sidaan oo kale ciidamo laga qaaday Gobolka Banaadir iyo Shabeelada Dhaxe loo geeyay deegaano katirsan Gobolka Shabeelada Hoose, kadibna weeraro qorsheysan inta Al-shabaab ku qaadeen lagu xasuuqay ciidamadaas, gaadiidkii iyo hubkii ay wateena ka qaateen. Weeraradaas waxay ka kala dhaceen Bariire (Agoosto 2017), Awdheegle (Agoosto 2019) iyo Ceel Saliini oo labo jeer ah (Septeembar 2019 iyo Febaraayo 2020).

Weerarada ciidamadaan lagu xasuuqay ilaa hada madaxda dowladu kama hadlin, mararka qaarna hanbadii ka hartay ayaa xabsiyada loo taxaabay sidii Bishii Septeembar ee sanadkii 2019 ka dhacday deegaanka Ceel Saliini ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Sidoo kale asbuucyada nagu soo aadan waxa dalka dib loogu soo celin doonaa Ciidamadii Eritereeya lagu tababaray ee Madaxweynaha iyo Taliyaha Nabad Sugida sida gaarka ah u qorteen. Cidamadaas ayaa la geyn doonaa sida ilo xog ogaal ah ii sheegeen baraha koontaroolada magaalada Mogadisho laga soo galo si ciidamada militariga ee duurka loo bixiyay looga mamnuuco in ay magaalada dib ugu soo laabtaan. Qorshahaan ayaa ah bilowga diyaar garow Madaxweyne Farmaajo ku doonayo suuro gelinta dhowr arimood:

In ciidamada dowlada laga sifeeyo dadka ka soo jeeda Gobolada Banaadir iyo Shabeelada Dhaxe. Iyadoo xeryo banaanka ah loogu oodayo Al-shabaab si ay u laayaan, inta soo hartayna laga celiyo in ay dib ugu soo laabtaan magaalada Mogadisho.

In marka la gaadho dhamaadka muddo xileedka Madaxweyne Farmaajo oo hada ay ka hadhsan tahay wax ka yar sanad uu isku dayo inuu xukunka ku sii haysto awood ciidan sidii nidaamkii keligii taliska ahaa ee Maxamed Siyaad Bare.

Haddii gadood ciidan ama mid siyaasadeed uu ka dhasho meelmarinta qorsheyaashaan gurracan ee Madaxweyne Farmaajo damacsan yahay in uu ciidamadaan u isticmaalo la dagaalanka siyaasiinta iyo cabudhiinta bulshada ku dhaqan Gobolka Banaadir.

Hadaba, mar hadii Madaxweyne Farmaajo uu xilkii Soomaali u dhiibatay ku bedelay qabiileynta hay’adihii dowlada iyo hurinta colaado iyo dagaalo dalka oo dhan ah sida: Somaliland, Puntalnd, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubaland gaar ahaan Gobolada Gedo iyo Jubadda Hoose, waxa isweydiin mudan waxa kale ee laga filan karo oo aan ahayn inuu dalka dib u geliyo dagaal sokeeye.

Ugu dambeyn waxaan ku talin lahaa in dowlad goboleedyadu ka ilaashadaan Farmaajo iyo kooxdiisa maamuladooda iyo in gaar ahaan reer Galmudug, Hirshabeelle iyo Gobolka Banaadir si degdeg ah isugu yimaadaan kulan wadatashi oo ku saabsan waxa laga yeelayo kooxdaan sharciyadii iyo dastuurkii dalka ka tallaabsatay. Mahadsanidiin,”Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Mahad Salad oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Office Email:-Baraarugnews.com or Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here