
Muqdisho,(Baraarugnews.net)-War-saxaafadeed ka soo baxay aqalka Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, ayaa lagu sheegay in Dawladaha Soomaaliya iyo Keniya ay ku heshiiyeen in la xoojiyo xidhiidhka dib-lomaasiyadeed ee labada dal.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa saaka wada hadallo midho dhal ah ku yeeshay Aqalka Madaxtooyada Dalka Keniy ee magaalada Nayroobi..
Ajandaha wada hadalladan oo ku koobnaa xal u helista mugdiga diblomaasiyadeed ee labada dal ayaa madaxweynayeyaashu waxa ay ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo, lana xoojiyo xidhiidhka iyo iskaashiga labada dowladood, kaasoo ku dhisan is ixtiraam iyo wada shaqeyn buuxda oo la xidhiidha dhinacyada nabadgelyada, dhaqaalaha iyo isu socodka dadka iyo baayac mushtarka labada dale e Somalia iyo Kenya.Wada hadalladan ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii dalalka gobolku ay isaga kaashan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, gobolkana loogu soo dabbaali lahaa nabadgelyo iyo xasillooni.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ay uga mahadcelinaysaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed kaalinta uu ka qaatay wada hadalladan dib loogu yagleelayo xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya”, sidaa ayaa lagu yidhi Warsaxaafadeedka ka soo baxay xafiiska Madaxtooyada Madaxweyne Farmaajo ee magaalada Muqdisho.
Baraashug00@gmail.com or Caarshe7@hotmail.com