Madaxweynaha Soomaaliya Oo Khudbad ka jeediyey Shirka Midowga Afrika &Muuse Biixi oo dul-fadhiya huteel  cidla ah

0
68
Madaxweynaha Soomaaliya Oo Khudbad ka jeediyey Shirka Midowga Afrika &Muuse Biixi oo dul-fadhiya huteel  cidla ah

Adis’ababa(Baraarugnews.net)-Madaxweynaha dawlada faderaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa khudbad ku saabsan dhaqaalaha iyo arrimaha siyaasadeed ka jeediyey shirka 33-aad ee midowga Afrika oo ka dhacay magaalada Adis’ababa ee dalka Itoobiya, isla markaana soo bandhigay bandhigay guulaha uu gaaray dalkeenna iyo fursadaha u baahan in si wadajirka ah looga faa’iideysto Qaaradda ahaan.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xusay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ay ku dabar-gooynayso khatarta argagixisadu ay ku hayaan nolasha muwaadiniinteenna, arrinkaas oo horseedaya xasilinta dalka iyo soo celinta maqaamka aan ku lahayn Afrika.

“Soomaaliya waxaa ay noqon kartaa xarun dhaqaale oo xooggan oo door muhiim ah ka qaadanaysa horumarka Qaaradda, marka la fiiriyo khayraadkeeda, goobta istaraatijiga ah ee ay ku taallo iyo dadkeeda halabuurka ganacsi leh.”Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Somalia.

Madaxwwynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya ay argagixisada uga adkaan karto in la qaado cuna-qabataynta hubka ee saaran si ciidamadeennu ay u helaan hub casri ah oo ay dagaalkan kusoo afjari karaan.

“Cunaqabataynta hubka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxaa ay xaddidaysaa awooddii aan ku heli lahayn hubka lagama-maarmaanka u ah in laga adkaado argagaxisada kuwaasi oo qaraxyo guryaha lagu sameeyay la beegsada muwaaddiniinta aan waxba galabsan iyo ganacsiyada gaarka loo leeyahay.”Ayuu yidhi Madaxweyne Farmaajo oo halkaa khudbad ka jeediyey.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu intaa ku sii daray oo uu yidhi, “Soomaaliya waxa ka go’an inay si buuxda masuuliyadda amnigeeda ugala wareegto AMISOM, taasina waxay u baahanaysaa ciidan qaran oo si fiican u qalabaysan si looga jawaabo halista iman karta.”

Geesta kale, Madaxweynaha dawlada isku-magacowday in ay madaxbanaan tahay ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo safar ku jooga magaalada Adis’ababa ee dalka Itoobiya, ayaa loo diiday innuu ka qaybgalo shir madaxeedka midowga afrika, isla markaana Muuse Biixi Cabdi, ayaa huteelada magaalada Adis-Ababa qoraansi ku jooga oo kursi goob cidla ah fadhiya, ka dib  madaxda afrika oo aan u aqoonsaneyn madaxweyne Muuse Biixi.

Email:-Bararaarugnews@gmail.com

Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here