Madaxweynaha Waddanka Maraykanka Donald Trump Xilka Madaxweynimada Malaga Qaadi-karaa Maalmaha U Hadhsan?

0
49
Madaxweynaha Waddanka Maraykanka Donald Trump Xilka Madaxweynimada Malaga Qaadi-karaa Maalmaha U Hadhsan?
Madaxweynaha Waddanka Maraykanka Donald Trump Xilka Madaxweynimada Malaga Qaadi-karaa Maalmaha U Hadhsan?

Maraykan,(Baraarugnews.net)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump waxa xafiiska uga hadhsan wax ka yar labo isbuuc, laakiin xildhibaannada Dimuqraaddiga waxay dalbanayaan in xil ka laga xayuubiyo kaddib markii taageerayaashiisu ay Arbacadii weerareen xarunta US Capitol ee saldhigga u ah Golaha Wakiillada Wareykanka.

Waxay warqad u direen madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, Mike Pence, iyagoo ku boorriyay in uu tallaabo u qaado sidii xilka looga qaadi lahaa Donald Trump, maadaama sida ay shegeen uu madaxweynuhu “carqaladeeyay hannaanka dimuqraaddiyadda Mareykanka”.

Waxaa hadda laga wada hadlayaa adeegsiga isbaddalkii 25-aad ee lagu sameeyay Dastuurksa Mareykanka, kaasoo oggolaanaya in awoodda laga qaado madaxweynaha laguna wareejiyo madaxweyne ku xigeenka, si ku meel gaar ah ama si buuxda midkood.

                   Siddee talaabadani u shaqaynaysaa?

Wax ka baddalka Dastuurka Mareykanka ee 25-aad wuxuu fasaxayaa in madaxweyne ku xigeenku uu noqdo ku simaha madaxweynaha marka uusan Madaxweynuhu sii wadi karin xilka iyo waajibaadka, haddii tusaale ahaan qofka madaxweynaha ah ay soo wajahaan xanuunno dhinaca dhimirka ah.

Qodobka dastuurka ee xoogga la saari doono wuxuu dhigayaa in madaxweyne ku xigeenka iyo inta badan golaha wasiirradu ay isku raacaan in madaxweynaha uusan sii gudan karin waajibaadkiisa.

Madaxweyne ku xigeenka iyo Golaha Wasiirradu waxay markaas u baahnaan doonaan in ay warqado u diraan afhayeennada Congress-ka iyo Senate-ka, haddii codsigooda la ansixiyana wuxuu Mike Pence si rasmi ah u noqonayaa madaxweynaha Ku Meel Gaarka ah.

Madaxweynaha qudhiisu wuxuu heystaa fursad uu ku qoro warqad jawaab ah, haddii uu dood qabana waxay arrintu tageysaa in ay go’aan soo saaraan golaha wakiillada ee Congress-ka.

Haddii ay Congress-ka iyo Senate-ka cod u qaadayaan soo saariska go’aan waxay u baahan yihiin cidad gaaraya saddex meelood labo meel.

madaxda Caalamku siddee uga fal celiyeen qalalaasihii ka dhacay Capitol?

Hoggaamiyeyaasha dalalka caalamka ayaa canbaareeyay qalalaasihii ka dhacay magaalada Washington kaddib markii taageerayaasha madaxweyne Donald Trump ay weerar ku qaadeen xarunta Capitol ee fariisinka u ah dowladda Mareykanka.

Rabshadaha ayaa kallifay in la hakiyo kulan uu golaha wakiillada ka lahaa ansixinta guushii Joe Biden.

Madax faro badan ayaa ku baaqay in si nabad iyo kala dambeyn leh loo sameeyo xil-wareejinta, iyagoo wixii dhacay ku tilmaamay “argagax” iyo “weerar ka dhan ah dimuqraaddiyadda”.

Ra’iisul Wasaaraha UK, Boris Johnson, ayaa canbaareeyay waxa dhacay oo uu ku tilmaamay “dhacdooyin sharafdarro ah”.

“Mareykanku wuxuu u taagan yahay dimuqraaddiyadda aaduunka oo dhan haddana waa khasab in si nabadgalyo ah oo kaladameyn leh ay u dhacdo xil wareejinta,” ayuu kusoo qoray bartiisa Twitter-ka.

Siyaasiyiin kale oo reer UK ah ayaa ku taageeray canbaareynta qalalaasihii dhacay, hoggaamiyaha mucaaradka UK Sir Keir Starmer, ayaana falkii ka dhacay Capitol ku tilmaamay “weerar toos ah oo lagu qaaday dimuqraaddiyadda”.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee UK, Priti Patel, ayaa BBC-da u sheegtay in hadalladii Mr Trump “ay si toos ah u sababeen” in taageerayaashiisu ay weerar ku qaadaan Golaha Wakiillada iyo in ay isku dhacaan iyaga iyo booliska.

Madaxweyne ku xigeenka iyo Golaha Wasiirradu waxay markaas u baahnaan doonaan in ay warqado u diraan afhayeennada Congress-ka iyo Senate-ka, haddii codsigooda la ansixiyana wuxuu Mike Pence si rasmi ah u noqonayaa madaxweynaha Ku Meel Gaarka ah.

Madaxweynaha qudhiisu wuxuu heystaa fursad uu ku qoro warqad jawaab ah, haddii uu dood qabana waxay arrintu tageysaa in ay go’aan soo saaraan golaha wakiillada ee Congress-ka.

Haddii ay Congress-ka iyo Senate-ka cod u qaadayaan soo saariska go’aan waxay u baahan yihiin cidad gaaraya saddex meelood labo meel.

Wasiirka koowaad ee Scotland, Nicola Sturgeon, ayaa isagana Twitter-ka ku sheegay in dhacdooyinkii laga sameeyay Xarunta Capitol ee Mareykanka ay ahaayeen “kuwo laga argagaxo”.

Dalka Jarmalkana, hoggaamiyaha waddankaas, Angela Merkel, ayaa sheegtay in dadkii duullaanka ku qaaday xarunta sharcidajinta ee Mareykanka ay ahaayeen “kuwo sameeyay weerar iyo rabshado” iyaduna ay dareentay “caro iyo murugo” kaddib markii ay aragtay muuqaallada laga soo duubay goobta.

Shir ay ka qeyb gashay ayey ka tidhi: “Waxaan ka qoomameynayaa in Madaxweyne Trump uusan wali qiranin in laga adkaaday, laakiin uu ilaa hadda muujinayo shaki ku aaddan natiijadii doorashada.”

Dhinaca kale, Shiinaha ayaa isku dayay in uu isbarbar dhig ku sameeyo dadkii rabshadaha ka sameeyay Mareykanka ee gudaha u galay xarunta Golaha Wakiillada iyo kuwii dimuqraaddi doonka ahaa ee sanadkii hore weerarka ku qaaday xarunta sharcidajinta ee Hong Kong.

Afhayeen u hadlay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha, oo lagu magacaabo Hua Chunying, ayaa sheegay in dhacdooyinkii Hong Kong ay “ka xumaayeen” kuwii ka dhacay Washington, laakiin “uusan ku dhimanin hal qof oo mudaharaade ah”.

Isbarbardhigga labada dhacdo uu ku sameeyay Shiinaha ayaa ka careysiisay dadka u ololeeya dimuqraaddiyadda ee Hong Kong.

Geesta kale, Hoggaamiyeyaal badan oo reer Yurub ah ayaa sidoo kale canbaareeyay dhacdooyinkaas.

Ra’iisul Wasaaraha Spain Pedro Sánchez ayaa yidhi: “Waxaan kalsooni ku qabaa awoodda dimuqraaddiyadda Mareykanka. Madaxweynenimada cusub ee Joe Biden waxay ka adkaan doontaa caqabadaha jira, waxayna mideyn doontaa shacabka Mareykanka.”

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa isaguna muuqaal uu soo dhigay Twitter-ka ku yidhi: “Markii mid ka mid ah waddamada ugu waaweyn ee dimuqraaddiga ah ay taageerayaasha madaxweyne xilka ka dagaya isku dayaan in ay loollan galiyaan sharciga iyo natiijada saxda ah ee doorashada, waxaa la wiiqay fikradda ku saabsan doorashada qof iyo codka ah.”

“Wixii maanta ka dhacay Washington DC ma aha astaanta Mareykanka. Waan aaminsan nahay awoodda ay leedahay dimuqraaddiyaddeenna. Waan aaminsan nahay awoodda dimuqraaddiyadda Mareykanka,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Ra’iisul Wasaaraha Sweden, Stefan Lofven, ayaa dhacdadaas ku tilmaamay “mid walwal leh” wuxuuna sheegay in ay ahayd “weerar lala beegsaday dimuqraaddiyadda”.


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here