
Muqdisho,(Baraarugnews.com)-Hoggaamiyayaal saddex ah oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa xubnaha beesha caalamka kala hadlaya siddii ay door muuqda ugu yeelan lahaayeen xal u helida khilaafka kala dhaxeeya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo Madaxweynayeyaasha maamul-goboleedyada Soomaaliya.
Madaxweynayaasha Jubbaland, Koonfurgalbeed iyo Puntland ayaa ku sugan xarunta dalka Kenya,iyagoo kulamo la qaadanaya madaxda beesha caalamka ee arrimaha Soomaaliya.
Hoggaamiyayaasha ayaa ku eedeyay dowladda federaalka inaysan diyaar u ahayn siddii loo xallin lahaa khilaafka muddada taagan,si xal loo gaarana ay lagama-maarman u arkaan madaxda maamul-gobolleedyada inay beesha caalamka soo faregaliso , dowladda federaalkana lugu cadaadiyo siddii ay u horfadhisan lahayd madaxda dowlad-gobolleedyada, sarkaal ka tirsan wafdiga Nairobi jooga ayaa u xaqiijiyay Hiiraan Online.
Madaxda dowlad-gobolleedyada waxaa ay Nairobi kulamo kala qaadanayaan safiiradda beesha caalamka ee Soomaaliya, urur gobolleedka IGAD,Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.
Warar horu-dhac ah oo ay heshay Hiiraan Online ayaa xaqiijinaya xubnaha beesha caalamka ee ay la kulmeen madaxda dowlad-gobolleedyada inay ka heleen ballan-qaad ku aadan si dhaqso ah in loo xalliyo khilaafka,waxaa ay inta ku darayaan wararka surtagalnimada uu ku baaqan karo shir ay hoggaamiyayaasha dowlad-gobolleedyada ku ballan-sanayeen 10-ka bishan inuu ka qabsoomo magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.
sku dayada ay madaxda dowlad-gobolleedyada ku raadinayaan inay dowladda federaalka la hadlaan iyadoo daraf saddexaad uu u dhaxeeyo ayaa ku soo aadaya xilli ay horey u sheegeen madaxda dowladda federaalka inaysan diyaar u ahayn daraf saddexaad oo dhex dhexaadiya iyaga iyo dowlad-gobolleedyada, waxaana baaqday labo shir oo uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo oo mid ka mid ah uu ku doonayay inuu kula hadlo dhammaan madaxda dowlad-gobolleedyada.
Email:-Caarshe7@hotmail.com