Madaxweyne Cabdi ilay Oo Is-casilay, Kana Hadlay Xaaladiisa Caafimaad Iyo Xilka Uu Ka Sii Hayn Doono Itoobiya &Madaxweynaha Cusub ee Loo Dhiibay Kilalka Kilalka Soomaaliye Itoobiya

0
1019

Jigjiga, (Baraarugnews.net)- Madaxweynihii Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Cabdi  Ilay ayaa iska casilay xilkii Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida, Isla markaana Madaxweyne Cusub ayaa lagu wareejiyey xilka Madaxweynimada Ismaamulka Soomaalida ee kilalka shanaad ee Itoobiya.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegay innuu  yahay weli madaxa xisbiga ka arrimiyo dowlada deegaanka soomaalida ee Itoobiya. Madaxweynaha cusub ee loo magaacabay dowlad deegaanka soomaalida ee Itoobiya Axmed Cabdi Maxamed ayaa markii ugu horreysay wareysi gaar ah siiyay BBC-da, wuxuuna ka warbixiyay qorshahiisa waxqabad.Balse Madaxweynaha cusub ee loo magaacabay dowlad deegaanka soomaalida ee Itoobiya Axmed Cabdi Maxamed ayaa markii ugu horreysay wareysi gaar ah siiyay BBC-da, wuxuuna ka warbixiyay qorshahiisa waxqabad.

Haddaba wareysiga madaxweynaha kala soco Idaacadda caawa iyo caalamka.

Haddaba wareysiga madaxweynaha kala soco Idaacadda caawa iyo caalamka. Madaxweynaha dowlad deegaanka soomaalida Itoobiya oo is casilay

Wararka inaga soo gaaraya dalka Itoobiya waxay sheegay in madaxweynaha dowlad deegaanka soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar uu xilka iska casilay.

Waxaa madaxweynaha cusub loo magacaabay Axmed Cabdi Sheikh Maxamed.

Wasiirka warfaafinta dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa BBC-da u xaqiijiyay in madaxweyne Cabdi Maxamuud uu xilka iska casilay.

Iscasilaadda madaxweynaha ayaa ka dambeysay kaddib markii militariga federaalka loo daabulay magaalada Jigjiga iyo deeganno ka tirsan maamulka Soomaalida, waxaana la rumaysan yahay in Cabdi Maxamuud Cumar ay cadaadis ku saartay dowladda dhexe inuu xilka iska casilo kaddib markii dibadbaxyo ay ka dhaceen halkaasi iyo dagaallo dhexmaray qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada. Wararka ka imaanaya dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya waxay sheegayaan in xiisaad ay ka taagan tahay magaalada Jigjiga kaddib markii ciidammada militariga lasoo dhoobay waddooyinka magaalada.

Dad goob jogayaal ayaa inoo sheegay in ciidammada Liyu booliska ay magaalada ka baxeen.

Dadka qaar ayaa la sheegaya inay ka qaxayaan magaalada.

Wararka inaga soo gaaraya dalka Itoobiya waxay sheegay in madaxweynaha dowlad deegaanka soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar uu xilka iska casilay.

Waxaa madaxweynaha cusub loo magacaabay Axmed Cabdi Sheikh Maxamed.

Wasiirka warfaafinta dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa BBC-da u xaqiijiyay in madaxweyne Cabdi Maxamuud uu xilka iska casilay.Iscasilaadda madaxweynaha ayaa ka dambeysay kaddib markii militariga federaalka loo daabulay magaalada Jigjiga iyo deeganno ka tirsan maamulka Soomaalida, waxaana la rumaysan yahay in Cabdi Maxamuud Cumar ay cadaadis ku saartay dowladda dhexe inuu xilka iska casilo kaddib markii dibadbaxyo ay ka dhaceen halkaasi iyo dagaallo dhexmaray qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada.

 

Baraarugnews.net Iimeel:- Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here