Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay sarkaal ka tirsan Aqalka odayaasha Mareykanka &kacdoonka siyaasada Muqdisho

0
281

Muqdisho,(Baraarugnews.net)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta la kulmay Sanator Jeff Merkely oo ka tirsan Aqalka Odayaasha ee dalka Maraykanka.

Madaxweynaha iyo Sanatarka ayaa ka wadahadlay arrimaha bini’aadannimada ammaanka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Jeff Merkely ayaa Madaxweyne Farmaajo u muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in Soomaaliya mar kale ay dowladnimadeedii soo noqoto, waxaana uu ku bogaadiyay dowladda Soomaaliya dadaalka badan ay ku bixinayo sidii loo soo celin lahaa ammaanka guud ee dalka.

Jeff Merkely waxaa kale oo uu dowladda ku ammaanay hufnaanta dhaqaalaha isaga oo tusaale usoo qaatay warbixinta hey’adda Lacagta aduunka iyo Bankiga ay ka qoreen hanaanka maaliyadeed ee dalka, waxa uuna sheegay in ay tahay wax lagu farxo dadaalka ay dowladdu muujisay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Soomaaliya lagu garab siiyo dagaalka ay kula jirto argagixisada Alshabaab, taas oo furo u ah horumarka iyo xasilloonida dalka.


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here