Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi dabadii Inuu hogaanka iyo majaraha u qabto Guddoonimada Xisbiga kULMIYE Keebaa u fiican Shacabka Reer Somaliland Guddoomiye Axmed Cabdi Dheere Iyo Maxamuud Xaashi Cabdi ?

0
75
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi dabadii Inuu hogaanka iyo majaraha u qabto Guddoonimada Xisbiga kULMIYE Keebaa u fiican Shacabka Reer Somaliland Guddoomiye Axmed Cabdi Dheere Iyo Maxamuud Xaashi Cabdi ?

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Gudoomiye Axmed Cabdi Dheere waa Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee xisbiga Talada dalka haya ee Somaliland ee xisbiga Kulmiye. Laga soo bilaabo 1990 ilaa 2003, Axmed Cabdi Dheere wuxuu ahaa khabiir xagga dawooyinka ah oo ka shaqayn jiray Bayer Pharma oo ku yaalay dalka Jarmalka. Sannadihii 1986 ilaa 1988 wuxuu ka shaqayn jiray rug weyn oo dawada lagu iibin jiray oo ku taalay magaalada Magaalada Muqdisho. Sannadihii 1979 ilaa 1982 wuxuu ka shaqayn jiray Wakaaladdii Baatroolka Ummadda.

waa siyaasi dhalinyaro oo tan iyo intii la aas aasay jamhuuriyada Somaliland ee ka soo bilaamay 1991-kii waa siyaasiyiintii da’ahaan u kacay shacabka reer Somaliland ee fara ku tiriska ah. Kuwaas oo ay ka mid yihiin Jamaal Cali Xuseen ayaa ka mid ah dad aad u tiro yar oo furo ku tiriska ah ee aynu taaban karno. Su’aasha mudooyinkan inta badan dadka odorosa ama falaqeeya ama aqoonta dheer u leh siyaasada Somaliland ma noqon karaa Guddoomiyaha xisbi-xaakimka Kulmiye ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi dabadii hogaanka u qaban kara taageerayaasha baaxada weyne ee Kulmiye? Runtii Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi dheere shakhsiyadiisa inta aan ku aqaan ama aan si toos ah u arkay haddii aan wax yar ka taabto anigoo xaqiiqda aan ka gudbayn wuxuu leeyahay waxyaabaha lagu majeerto astaamaha hogaamiye umaddeed. Qodobka kowaad waa shakhsi leh ku dhac iyo dhiiranaan dhanka hadalka ah marka arrin ama xaajo adag taagan tahay oo dhanka siyaasada ah ama dhinac xalin xaalad xilligaa murug san oo taagan qaabka uu go’aan ku dhac leh ayuu ka qataa.

Waa shakhsi aan cid u hamrashada aqoon ama innuu cid ka habaysto, haddii uu doono jagada qofkaasi taagan yahay ha ka sareeyee, uma joojiyo.

Shakhsi illahay ku manaystay qancinta qofkasta oo u yimaada, una eegin mid sawir ahaan qofkaasi madax ah ama shacab masaakiin ah.

Shakhsi aad u ixtiraama dhanka dadka ugu yimaada haw ama xafiiskiisa Kulmiye ku soo booqdo.

Shakhsi dhalinyarta inta badan is garab taaga rag iyo hamlaba caawiya haddii wax barasho iyo dhanka noloshaba siwanaagsan gacan uga gaysta oo aan waxba kula hadhin.

Waa shakhsi dhanka balanta aad ugu wacan iyo dhinaca fulinta waxyaabaha uu cid dan gasoo gasho xilliga uu labalamo wakhtigii aad balanteen kaga soo horaynaya goobtii ama halkii aad ku balansanaydeen.

Shakhsi dhanka gacanta iyo wax bixinta aad ugu wacan oo deeqsi ah weeye Guddoomiye Axmed Cabdi Dheere.

Qodobadaas aan wax yar ka taabtay aqoonta aan u leeyahay  shakhsiyada Gudoomiyaha 2-aad ee xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere, isla markaana waxa laga yabaa in dad badan is yidhaahdaan waa isku qabiil ama waa qof u guul wadaynaaya, laakiin sida aad doontaaba u qaata waxaan cadaynayaa inaan meelna ka soo galin qabiil ahaan laakiin aniga oo magacaygu yahay Cabdiraxmaan Faarax Aadan waa intii aan kala kulmay Axmed Cabdi Dheere.Axmed Cabdi Dheere maaha shakhsi manta ay shacabka reer Somaliland ku eedeeyaan ama lagu sheego innuu hanta umadeed ku takrifalay iyo wixii la halmaala musuq-maasuq innuu u gaystay hantida shacabka Somaliland.

Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee xisbiga kilmiye ahna wasiirka arimaha gudaha Maxamed Kaahin AXMED iyo Maxamuud Xaashi Cabdi haddii alle ka dhigo waxaan kaga soo hadli doonaa qoraaladayda dambe haddii eebe ka dhigo.

LA SOCO………

Waxa qoray oo qoraalkan leh Cabdiraxmaan Faarax Aadan Emial:- baraashug00@gmail.com ·

IIMEELADAN HALKAN HOOSE KU QORAN NAGALA SOO XIDHIIDHA EE Warbaahinta Baraarugnews.net

Emial Office Hargeysa>-Caarshe7@hotmail.com or baraarugnews@gmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here