Madaxweyne Muuse Biixi & Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Oo Hadallo Taag-taagan Warbaahinta Isku Waydaarsaday

0
77

“Sinaba uma suurtoobi karto in Komiishankani uu doorasho dambe qabto…” Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI

“Waa Dood sharciga baal-marsan oo lagu carqaladaynayo hanaanka geedi-socodka doorashooyinka…” Madaxweynaha

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka jawaabay Qoraal uu 22-kii bishan uu u soo gudbiyey Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, taasi oo ujeeddada ay Xambaarsanayd ahayd in Xisbiga WADDANI uu kalsoonida kala noqday Komiishanka Doorashooyinka oo Xisbigaasi ku eedeeyay in aanay si wanaagsan u maamulin Doorashadii 2017-kii.

Madaxweynaha ayaa qoraal ugu jawaabay Xisbigaa WADDANI isla-markaana khudbad-sannadeedkii 2018 oo uu Shalay u jeediyey labada Gole ee Baarlamaanka ku soo hadal-qaaday Warqadda uu Xisbiga WADDANI u soo gudbiyey, waxaanu Madaxweynuhu sheegay in Go’aanka uu Xisbiga WADDANI kalsoonida kagala noqday Komiishanku yahay mid baal-marsan Sharciga.

Madaxweynaha oo Arrimahaa oo kaga hadlay khudbad-sanadeedkii uu Shaay jeediyey ayaa yidhi ”Xisbiga Waddani waxa uu ii soo gudbiyey 22-kii March, 2018, qoraal ah codsi xil ka qaadis xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka, iyaga oo ku duraaya doorashadii Madaxtooyadda ee ay Guddidu qabatay November 13, 2017-kii. KDQ waxa ay fuliyeen dhammaan Xeerarkii iyo Hab-raacyaddii sharci ee doorashada. Waxa ay dhiseen dhammaan guddiyaddii iyo xafiisyaddii hirgalin lahaa doorashadda, oo waafaqsan Xeerarka doorashada. Waxa ay ku heleen ammaan iyo bogaadin caalami ah dal iyo dibadba. Waxa u marag-furay KDQ in ay si daah-furan, oo xor iyo xalaal ah u qabteen doorashadii Madaxtooyadda, Goob-joogayaashii Caalamiga ahaa iyo kuwii Maxalliga ahaa.”

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Go’aanka WADDANI yahay mid lagu carqaladaynayo Geeddi-socodka Doorashooyinka “Sidaa daraadeed, waxaan u arkaa dood xaqiiqda ka fog, sharcigana baal-marsan, oo lagu carqaladaynayo hanaanka geedi-socodka doorashooyinka.”

Laakiin, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo isaguna ka jawaabay hadalka Madaxweynaha oo qoraal ahaan ku gaadhay ayaa yidhi ”Sida ka muuqata Hadalkiisa iyo Warqadda uu noogu soo jawaabay waxa ka muuqata inuu noogu soo jawaabay Afkii Xisbiga KULMIYE isagoo ah Guddoomiyihii Xisbiga KULMIYE, waxayna baal-marsan tahay nidaamkii uu u mari lahaa (Jawaabta) Warqadda aanu u qornay oo koobaysay dhaliilihii Maamul iyo gefafkii laga galay xeerarka doorashooyinka, kana koobnaa 14 bog oo aanu cuskanay dhamaan Shuruucdii.”

Guddoomiye Cirro oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay ”Xeerla Doorashooyinka Goleyaasha deegaanka iyo Madaxtooyadu wuxuu sheegayaa asbaabta Xilka lagaga qaadi karo Komiishanka oo ah Qodobkiisa 14-aad Farqaddiisa 1-aad, taasi oo tilmaamaysa hadduu jebiyo shuruud ka mid ah Shuruudihii lagu soo doortay iyo Marka uu Xilkiisa u gudan kari waayo Karti darro. Farqadda labaad ee qodobka 14-aad ee Xeerka Doorashooyinka Goleyaasha deegaanka iyo Madaxtooyadu waxay tilmaamaysaa marka arrintaa la dareemo in Madaxweynuhu Magacaabo guddi farsamo oo uu u diro Arrintaa dabadeedna uu ku go’aan qaato, laakiin waxa layaab leh Madaxweynuhu qodob qudha kuma cuskan Waraaqdiisa, waxaanu iska soo qoray uun Shuruucda doorashooyinka, bal ha sheego Qodob qudha oo ay baal-marsan tahay Warqadda aanu u qornay.”

Guddoomiye Cirro wuxuu ku celceliyey mar labaad in aanay suurto-gal ahayn in la qabto Doorasho ay Hagayaan Komiishanka hadda Xilka hayaa ”Sinaba uma suurtoobi karto in Komiishankani uu doorasho dambe qabto, dhaqanka Soomaalida haddii laba Qof is qabtaan haddii Xeer beegti la saaro oo mid yidhaahdo kuma kalsooni waalla la beddelaa (Xeer-beegtida), hawsha intaa leeg haddii Xisbi ka mid ah Xisbiyadu hadduu yidhaahdo kuma kalsooni (Komiishanka) iyadoo loo raacayo qodobbadaa aanu tilmaannay waxa waajib ah in la beddelo.”


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here