Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Madaxweyne Muuse Biixi iyo wakiilka shirkadda isgaadhsiinta ee Somcable Maxamed Aw-siciid, ayaa qaab qarsoodiya la galay heshiis lagu aas-aasayo ciidamo cusub dawladda Imaaradla Carabta, oo ka amar qaata iyaga.
Ciidanka la doonayo in Imaaradka lagu soo tababaro ayaa raacii koobaad la qaaday oo tiradoodu dhan tahay kotan askari (50 askari), oo dhamaan ka kooban beesha uu ka soo jeedo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee Habar-awal, isla markaana Imaaradka Carabta ayaa kotonkii ugu horeeyay oo dhalinyaro caluunta ciidamada kala duwan la barayo ay qaaday dawlada Imaaradka Carabta. Warku wuxuu intaa ku darayaa in kotanka Askari (50 Askar), ee dawladda Imaaradka Carabtu ay soo toobabarayso qabiilooyinka ama beelaha ay ka soo kala jeedeen kotonka Askari oo kala ah. Labaatan Askari oo dhalinyaro ah (20 Askari), waxay ka soo jeedaan beesha Ciise Muuse, halka sodon askari oo dhalinyaro ah (30 Askari), oo ka soo jeeda beesha Sacad Muuse, (dhamaan 50-ka Askari-ba yihiin Beeshiisa Madaxweyne Muuse Biixi iyo Ganacsadaha shirkada SOMCABLE ina Aw-siciid ee Habar-awal,kuwaasoo kotonka dhalinyarada ah ee dawlada Imaaradka Carabtu ku bilawday heshiiska qarsoodiga ah ee lagu abuurayo ciidan si gaar ah u hoostaga Muuse Biixi, ganacsada ina awsiciid iyo dawlada Imaaradkuna qayb ka tahay ciidanka ay u soo samaynayso gudaha Somaliland, Balse dhalinyarada tababarka Askarnimada iyo culuumta kala duwan ee ciidanimo la soo barayo in lagu soo xulo qaab sir ah oo aan la ogaan, laguna kalsoon yahay in sirdibada uga bixin.
Sidoo kale, kotonka dhaliyarada ah (50-ka Askar), ayaa bishii labaad ee aynu soo dhaafnay 6/Juun/2019-ka ka dhoofay madaarka magaalada Hargeysa, iyadoo dawlada Imaaradka Carabtu tababar khaas ah la siinayo dhalinyaradan oo loogu talo galay inay fuliyaan hawl-galo khaas ah loo adeegsanayo. Balse saraakiil ka tirsan shirkadda DP World, iyo xafiiska aqalka Madaxtooyada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee Hargeysa, oo ka gaabsaday in magacooda la shaaciyo sababa la xidhiidho dhinaca amaankooda, qayb-na ka ah dhalinyaro la doonayo in ciidamo dawladda Imaaradku doonayso in ay ku soo tababaraan dalkooda, kuwaasoo la sheegay in ay ka madax-bannaan yihiin taliyeyaasha ciidamada kala duwan ee Somaliland, sida Taliyaha Militariga Nuux taani, taliyaha ciidanka bada, taliyaha booliska, taliyaha ay-jeesha, sirdoonka iyo laamaha kale ee amaanka Somaliland u xilsaaran ka madax-banaan Imaaradka Carabtu ka samaynayo Somaliland.
Geesta Kale, ciidamada cusub ee Imaaradka carabtu ka samaynayo Somaliland, ayaa la xaqiijiyey in heshiis qarsoodiya oo lagu dhisayo ciidamo qaab tuugo ah lagu soo tababarayo Imaaradka Carabta la galay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Ciidamada cusub ee Imaaradku kadhisayo gudaha, ayaa dhanka dawladda Somaliland waxa wakiil oo loo xilsaaray gacantana ku haya Agaasimaha madaxtooyada Axmed Cali Bile, Isla markaana saraakiil ka tirsan laamaha amaanka Somaliland, oo ka cudur daartay in magacooda la shaaciyo, ayaa u sheegay shabakada Wararka ee Baraarugnews.net, in qaabka loo soo xulayo dadka tiro ahaan-ba la doonayo in culuun tababaro ciidan oo noocyada kala duwan ah ay qaadayso dawladda Imaaradka Carabtu ku soo xulo Agaasimaha madaxtooyada Hargeysa Axmed Cali Bile dad ay suuqyada Hargeysa uga yeedhaan oo beesha Madaxweyne Muuse Biixi ka soo jeeda, waxyaabaha loo diridoonana ku aaminayaan madaama ay u arkaan inay tahay sirtii dawladda uu madaxweyne Muuse Biixi beeshooda yahay oo taariikh ahaan la qabaan haddii waxyeelo xun oo dhanka amaank ah ku timaado dalka Somaliland iyo siraha dawladaha danaha khayraad iyo shirkada DP World ee dekeda magaalada Berbera.
Hase yeeshee, kotanka dhalinyarada ah ee dawlada Imaaradka Carabta lagu soo tababarayo oo dhamaan ka soo jeeda beesha madaxweyne Muuse Biixi, ayaa siddeed xubnood oo ka mid ah 50-ka waxa la soo barayaa xidhiidhka Internetka, arrimaha gaarka ah iyo arrimaha ammaanka, la’aanta internetka, iyadoo saraakiisha ka tirsan ciidanka Somaliland ayaa xusay in dhalinyarada tababarada askarnimo eek ala duwan loogu qaaday dalka Imaaradka Carabta, marka laga tago beesha Sacad Muuse in tirade ugu badan yihiin jifida hoose ee Muuse Biixi yahay ee Reer Samatar ay kaga jiraan inta la qaaday dhawr iyo labaatan xubnood dhalinyarada tababar askar-nimo ay soo barayso dawladda ee imaaradka carabta.
Office Hargeysa Caarshe7@hotmail.com Ama Emial: Baraarush00@gmail.com