Madaxweyne Muuse Biixi Oo Maanta Magacaabay Xildhibaankii Ugu Codka Badnaa Xildhibaanada Golaha Deegaanka Magaalada Burco &Maxay Tahay U-jeeddada Ka Dambaysa Xilka Cusub Ee Loo Magacaabay Nuux?

0
1125

Hargeysa,(Baraarugnews.net)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta u magacaabay Nuux Maxamed Xuseen Aadan Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland, isla markaana Nuux Maxamed Xuseen ayaa ahaa xildhibaankii ugu codka badnaa xildhibaanada Golaha deegaanka degmadda magaalada Burco.Nuux Maxamed Xuseen ayaa ka mid ahaa ragii sida weyn ugu jabiyey wasiirkii hore ee madaxtooyada Xirsi Cali inuu cod ka keeno beeshiisa Gobolka Togdheer  oo Nuux Maxamed Xuseen ay isku beel ka soo jeedeen, Balse Nuux ayaa ka mid ahaa ragii qaybta wayn ku lahaa guushii codka beesha Habarjeclo ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka helay Gobolka Togdheer, Saaxil, Saraar ee Gobolka Sool.

Nuux Maxamed waxa lagu tilmamaa inuu laf dhabar u yahay siyaasadda xisbiga Kulmiye, gaar ahaan Wasiir arrimaha gudaha ahna Guddoomiye ku-xigeenka Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, isla markaana xulashada Nuux ayaa ku salaysan ama ku qodonta arrimo siyaasadeed oo aad u gun-dheer, taasoo Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin u arkaan mid dayr u noqon kara ama dabin kara arrimo kacdoon oo siyaasadeed in Xirsi iyo kooxdiisu ku yeeshaan beelaha Axmed Faarax gaar ahaan Beesha Reer Raage, oo siweyn ugu loolameen xilligii doorashada madaxtooyada hogaamiyaha xisbiga waddani Xirsi iyo Nuux Maxamed.

Caarshe7@hotmail.com

 


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here