Madaxweyne Muuse Biixi Oo Safar Ugu baxaaya Gobolada Bariga Somaliland &Xaaladaha Hor-yaala Sanaag, Ceel-afweyn Iyo Gobolka Sool

0
1101

Hargaysa,(Baraarugnews.net)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa socdaalkiisii ugu horeeyay ilaa intii uu xilka kala wareegay Madaxweynihii hore ee xilka ka degay Axmed Siilaanyo socdaalkii gudaha dalka ee ugu horeeyay ugu baxaaya Gobolada Bariga Somaliland, Isla markaana Madaxweyne Muuse Biixi ayaa socdaalkiisan ku soo beegmayaa xil ay colaado ka aloosan yihiin deegaanada Ceel-afweyn oo dagaal ku dhexmaray laba beelood intii uu xilka hayey Somaliland.

Waxa kale, oo socdaalka Muuse Biixi ku soo beegmayaa xilli ay gudaha dalka ka socdaan shirar beeleedyo ka dhashay natiijadii doorada  uu kursiga Madaxweynimada Somaliland ku fuulay oo ku gacan saydhay guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro, taasoo beesha uu ka soo jeeday murashaxii xisbiga Waddani ay siweyn uga soo horjeesteen hogaaminta Madaxweyne Muuse Biixi

Sidoo kale, Madaxweyne Muuse Biixi ayaa la sheegay innuu socdaalkiisan ku wajahan yahay jiida hore eek u sugan yihiin ciidamada qaranka Somaliland ee deegaanka Gobolka Sool, halkaa oo dagaal dhawaan ku dhex-maray ciidamada qaranka Somaliland iyo maamul-goboleedka soomaaliya ee Puntland deegaanka Tukaraq oo ka tirsan Gobolka Sool,arrinkaasoo sababay shirka beelaha Garxajis ee ka dhicidoona haddii alle yidhaahdo bilaha fooda inagu soo haya buurta Gacan-libaax. Isla markaana Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxa soo food saaray kacdoono dad weyne siweyn uga soo hor-jeeda qaabka Golaha Wasiirada xukuumadiisa u soo culay iyo arimo badan oo xaga nolosha shacabka oo meel halisa uu marinayo sixir-bararka maceeshada iyo qiimo beelka shilinka Somaliland oo ilaa hada waxba ka qaban xukuumadda Muuse Biixi.

Geesta kale, Gobolka Sanaag ayaa isagana waxa ka taagan kacdoon siyaasadeed oo ka dhashay markii sarkaal ka tirsan ciidanka qaran Caraale oo ka goostay ciidamada qaranka khilaaf ka dhex-dhacay isaga iyo saraakiishii ciidanka qaranka eek u sugnaa deegaanka ceel-afweyn, taasoo ay sababtay dagaalkii labada beelood ee Ceel-afweyn markii isku eegeen labada beelood ee dagaalku ku dhexmaray ceel-afweyn.


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here