Madaxweyne Muuse Biixi Oo Xilkii Ka Qaaday Taliyihii Baadhista Dambiyada Ee CID-da), Daahir Muuse Abraar & Beesha uu ka soo jeedo Taliyaha Cusub Ee loo magacaabay Si’aydhiida (CID-da),

0
498
Maxamed faarax ibraahin.
Maxamed faarax ibraahin.

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa xilkii ka qaaday  Taliyaha waaxda baadhista dambiyada ee si’aydhiida (CID), Daahir Muuse Abraar, isla markaana u magacaabay taliyaha waaxda baadhista dambiya ee si’aydhiida (CID), Maxamed faarax ibraahin.

Maxamed faarax ibraahin.
Maxamed faarax ibraahin.

Warku wuxuu intaa ku darayaa inTaliyihii waaxda baadhista dambiyada ee CID-da Daahir Muuse Abraar,  uu xilka ka qaaday Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Axadii todobaadkan aynu ku jirno, una magacaabay taliyaha waaxda baadhista dambiyada ee si’adhiida (CID-da),Maxamed faarax ibraahin.

Sidoo kale,Taliyaha xilka laga qaaday ee waaxda baadhista dambiyada ee CID-da Daahir Muse Abraar, ayaa  ka soo jeeda dhalasho ahaan beesha degta Gobolka Awdal ee Sabaroon, isla markaana Muuse Biixi ayaa u magacaabay Taliyaha waaxda baadhista dambiyada ee si’aydhiida (CID), Maxamed Faarax Ibraahin oo dhalasho ahaana ka soo jeeda beesha Madaxweyne Muuse Biixi ee Habar-awal, (gaar ahaan Ciise Muuse).

Hase yeeshee, Taliyaha Muuse Biixi u magacaabay waaxda baadhista dambiyada ee CID-da Maxamed Faarax Ibraahin, ayaa xilka kala wareegaaya maalinta barito xilka lagala wareegayo taliyihii xilka laga qaaday ee CID-da Daahir Muse Abraar ayaa ku wareejinaaya barito xilka Maxamed faarax Ibraahin oo ka soo jeeda beesha Madaxweyne Muuse Biixi.

Office Hargeysa Caarshe7@hotmail.com Ama Emial: Baraarugnews@gmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here