“Madaxweyne Muuse Biixow Ceeb Ayaa Dul-hoganaysa Qaran-nimadii Somaliland. In maanta Madaxweynaha Puntland Yidhaahdo Aniga ayaa Dhakhtar u diraaya Cali SanduleCali Sandule.”

0
714

Hargeisa(Baraarugnews.net):-Mujaahid iid Jiciir AW Axmed, ayaa ugu baaqay Madaxweyne Muuse Biixi innuu ka badbaadiyo ceebta iyo fadeexada dulhoganaysa qaran-nimada somaliland, isla markaana wuxuu sheegay inay magac xumo iyo sumacad xumo weyn ku tahay somaliland in Cali Sandule oo tacab badan galiyey dhismihii dawladnimada maanta caafimaad daro ugu silcaayo gudaha magaalada Hargeysa. Mujaahid Iid Jiciir Aw Axmed oo ugu waramayey khadka Telifoonka Wakaalada Baraarugnews.net xafiiskeeda magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in wax laga naxo ay tahay in Madaxweynaha maamul-goboleedka soomaaliya ee Puntland yidhaahdo anaga ayaa Cali Sandule u dirayna caafimad dibada ah oo qaadayna. “Cali Sandule oo aynu ogayn wixii uu qaranka somaliland u qabtay ayuu maanta Madaxweynaha maamul-goboleedka puntland leeyahay soo qaadda. Madaxweyne haddii aannu Cali Sandulle adiga wax ku tarin, qarannimada Somaliland ayuu wax gashadday oo tacab badan geliyay, waa halyay qaran. Waxaan qabaa inay qaranka ceeb ku tahay dhawaaqa Cabdi-wali Gaas, ee Madaxweyne ceebtaas innaga dul qaad oo gacan wayn ka qayso Xaaladda Caafimaad ee Cali Sandulle.” Cabdi-weli Gaas leeyahay soo qaada, aniga ayaa dhakhtar dibadda ah u diraaya Cali Sandule oo ku dhex xanuunsanaaya magaalada Hargeysa. Madaxweyne Muuse Biixow Cali Sandule qaranka ayuu wax badan taray, haddaanu adiga waxba ku tarin. Ceeb ayaa dulhoganaysa qaranimadeenii (Dawladnimadii Somaliland),maanta. Qaranka ayuu la soo halgamay. Laascaanood waa ninkii sababta u ahaa inay gacanta ku dhigto Somaliland oo habeen ba meel ugu dhaxayey, markaa halgan dheer ayuu u soo galay jiritaanka somaliland. Tacab iyo xoog badan ayuu galiyey dhismaha nabadgelyada somaliland iyo dawladnimada aynu ku faanayno maanta. Madaxweyne Muuse Biixi waxaan ugu baaqayaa inay ceeb iyo laf jab ku tahay qaranka iyo dawladnimada Somaliland in Cali Sandule oo maanta ku dhex xanuunsanaaya gudaha magaalada Hargeysa puntland tidhaahdo anaga ayaa u qadaaya caafimad dibadeed.”sidaa ayuu yidhi Mujahaid Iid Jiciir Aw-axmed.

Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here