Madaxweyne Muuse Oo Afka Ciida U Daray Odayaashii Uu Abaabulay Maxamuud Xaashi Ee Beesha Biciide Iyo Oohintii Iyo Faddeexadii Caawa Kaga Dhacday Ceel-afweyn Muhanad &Muxuu Ka Yidhi Muuse Biixi Wareejinta Guddoomiyaha Kulmiye?

0
266
Madaxweyne Muuse Oo Afka Ciida U Daray Odayaashii Uu Abaabulay Maxamuud Xaashi Ee Beesha Biciide Iyo Oohintii Iyo Faddeexadii Caawa Kaga Dhacday Ceel-afweyn Muhanad &Muxuu Ka Yidhi Muuse Biixi Wareejinta Guddoomiyaha Kulmiye?
Madaxweyne Muuse Oo Afka Ciida U Daray Odayaashii Uu Abaabulay Maxamuud Xaashi Ee Beesha Biciide Iyo Oohintii Iyo Faddeexadii Caawa Kaga Dhacday Ceel-afweyn Muhanad &Muxuu Ka Yidhi Muuse Biixi Wareejinta Guddoomiyaha Kulmiye?

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo weftiga xukuumaddiisa ee uu hogaaminayo ee socdaalka ku maraaya deegaanada Gobolada Bariga Somaliland, ayaa caawa u hoyday magaalada Ceel-afweyn, isla markaana Wasiirkii hore ee madaxtooyada Xukuumaddii Muuse Biixi Cabdi, iyo xubno odayaal beesha Biciide ah oo ilaa shalay uu ku ururinaayey magaalada Ceel-afweyn, ayaa la sheegay inay caawa fooda isku dareen Ceel-afweyn Madaxweyne Muuse Biixi  Cabdi iyo Wasiirkiisa arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Balse Maxamuud Xaashi Cabdi oo maalin ka horeeyay Muuse Biixi Cabdi ayaa kaabayn isugu jira innuu ku kiciyo shacabka beesha Muuse Abokor ee Gobolka Sanaag ka waday intii aanu iman Muuse Biixi Gar’adag iyo ceel-afweyn oo uu ku guul-daraystay, iyadoo Maxamuud Xaashi Cabdi Odayaasha Beesha Biciide u badan oo markii horeba ahaa qaar isagu isticmaali jiray ka codsaday inay Muuse Biixi u baryaan, si uu ugu soo wareejiyo ama u baryaan innuu Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Ku wareejiyo Maxamuud Xaashi.

Xogo lagu kalsoon yahay, kana ag-dhawaa guriga caawa kulanku ka dhacay ee Muuse Biixi Cabdi iyo  Maxamuud Xaashi Cabdi Iyo Odayaasha Beesha Biciide, ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi ku yidhi  Maxamuud Xaashi Cabdi, hadal u dhacaayey ma xisbi aabahaa leeyahay ama beesha Biciide leedahay ayaan hayey?

Xogahaa ayaa tibaaxay in Muuse Biixi si aad iyo aad u fool-xun uu u bahdilay Maxamuud Xaashi Cabdi, isla markaana Muuse Biixi oo ku jiq-jiiqsanaaya, isagoo kursi is ku ruxaaya ku yidhi, waxaad wado iyo dadka aad meelahaa ka soo diray ee aad u soo dhiibayso hadalka waa inaad joojisaa, haddii kale qaranku talaabo ayuu ka qaadayaa, waana kula socdaa waxyaabaha aad wado iyo cunfiga aad abuurayso, ayaa la sheegay innuu ku yidhi Maxamuud Xaashi iyo hadalo kale oo isugu jira hanjabaad iyo bahdil uu si-xun u bahdilay muuse Biixi Maxamuud Xaashi Cabdi oo ceeb kala kulmay caawa kulankii uu Muuse Biixi ugu geeyay Odayaashii uu soo ururiyey ee u baryaayey.

Sidoo kale, xogahaa ayaa sheegay in Maxamuud Xaashi Cabdi oo doonayey innuu dad ku qayliya ama ku mudaharaada Muuse Biixi haddii uu diido arrinta uu is yidhi inta uu safarka ku jiro iyo arrimaha taagan ee jabhada Caare kaga faa,iidayso ku guul daraystay, taasoo la sheegay innuu oohin iyo waji gabax kala kulmay arrimihii uu u tegay ceel-afweyn, isagoo Maxamuud Xaashi calaacal iyo baroor ka dhamaatay caawa ka kacay Madaxweyne Muuse Biixi, isaga iyo Odayaashii uu watey oo goobtii fadhiya lagaga tegay. Isla markaana Xogahaa ayaa xusay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu yidhi xisbi Kulmiye oo aan Guddoomiye ku wareejinayaa wakhti xaadirkan Beesha Habarjeclo aaney jirayn ee ciddii Guddoomiye noqonaysa lagu dooranayo shir weynaha Kulmiye marka la gaadho, laakiin-se hadalkiisu u muuqday mid muujinaaya innaanu wax Guddoomiyaha Kulmiye oo ku soo wareejinayo  Maxamuud Xaashi Cabdi aaney jireen ama la siiyo.

Xafiiska Wararka ee Baraarugnews.net

MIAL:-Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here